What you may have missed

Friday, August 21, 2009

Sh. Sariif oo lagu hor dhaariyay qaar ka mid ah Golaha Wassiirarada

Maanta ayaa xarunta madaxtooyada ee villa Somaliya waxaa lagu dhaariyay qaar ka mid ahaa Xubnaha golaha wassiirrada Dowladda KMG ah ee Somaaliya ee Dhawaan isku Shaandheynta lagu sameeyay iyadoo ay Xukuumadda soo galeen xubno cusub iyo kuwii xilalkii hore laga wareejiyay islamarkaana loo duway wasaarado kale ayaa waxaa madaxwene Shariif sheikh Axmed hortiisa ku dhaariyay Wasiirka wasaaradda caddaaladda Md SheekhC/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow.
Masuuliyiinta Cusub ee la dhaariyay ayaa waxaa kaloo kamid ahaa Wasiir u dowlayaasha Dhawaan la magacaabay oo ay tiradoodu aheyd illaa iyo Lix Xubnood kuwaasoo iyana kitaabka la mariyay shan ka mid ahaa iyadoo midka lixaadna uu yahay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo isagu horeyba usii shaqeyanayay.

Dhamaan marka laisku wada daro waxaa maantay la dhaariyay illaa toban xubnood iyadoo halka ay Dhaarintu ka dhaceysayna laga sheegay in qaarka kale ee ka maqan goobta ay ku maqanyihiin howlo shaqo oo dhanka Dowladda ah.

Hadal gaabmaa oo uu madaxwenuhu u jeediyay masuuliyiintan maanta loo dhaariyay xilalka cusub ee dowladda somaliya ayuu kula dardaarmay iney si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee ay umadda Soomaaliyeed ka sugeyso.

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.