What you may have missed

Wednesday, August 19, 2009

Alshabaab oo Dib ula Wareegtay Balad Xaawo

Dagaal ka dhacay magaalada Balad Xaawo oo ay iskaga hor yimaadeen Ahlu Sunnah Waljamaacah iyo Ciidamada Alshaab ayaa ugu dambeeyntii Alshabaab kula waraageen kacan ku heynta magaaladaas.

Ciidamada Alshabaab oo dhowaan laga qabsaday magaalada beledxaawo, ayaa weerar culus magaalada kaga soo qaaday dhinaca koonfureed ayagoo ay fuuda is geliyeen Culumaa udiinka Ahlu Sunna Waljamaacah oo iyagu magaalada Balad Xaawo dhowaan horay ugala wareegay Alshabaab.

Dagaalka oo aan hubka loo kala dhimin la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ahaa mid nus saac socday. Sida ilo muhiim ah u sheegeen Somchat.com in ciidamada Ahlu Sunna si xeelad dagaal ah dib u gurteen ciidankoodii halkaasoo taasoo ay ka dambeeysay kadib markii Alshabaabku magaalada Beled Xaawo ku garaaceen madaafiic aan kala joogsi lahayn.

Markii ciidanka Ahlu Sunna iskaga baxeen ayaa durba gudaha magaalada waxaa isku soo guray ciidamada Alshabaab iyagoo durbo xirtay aagag iyo dhufeysyo kadibna si hufan isugu faafiyeen gabi ahaanba magaalada Balad Xaawo.

Wararka kasoo baxaya Beledxaawo waxay intaasi raaciyeen in dhowr qof ku dhaawacmeen hoobiyoyaashii la is dhaafsanayay, ayna labo qof oo kale ku geeriyowdeen.

Xaalada magaalada Beled Xaawo ayaa haatan ah mid amni la'aan ah iyadoo la xirxiray dhamaan goobihii ganacsi dadkiina firaaqeeyeen xaafadaha dagaalkaasi ka socday.

Waxay ahayd shalay markii afhayeen u hadlay Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunnada oo lagu magacaabo Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuuqaadi oo uga warramayay warbaahinta dagaal uu sheegay inuu halkaasi ku dhexmaray Ciidamadooda iyo ciidammo ay leeyihiin Uruka Xarrakada Shabaabka ayaa waxa uu sheegay in si rasmi ah ay ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Webxo oo katrsan Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, isagoo sheegtayna iney qasaare ballaran u geysteen ciidamadii ka soo horjeeday ee horayna halkaasi u sii joogay.



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.