What you may have missed

Saturday, August 8, 2009

Suuqa Bakaare oo Markale la Duqeeyay

Duqeyn xooggan oo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawac oo maanta loo geystay Suuqa Weyn ee Bakaaraha. Xilliga ay bilaabatay duqeynta
oo ku adaneyd waqti uu socday ka rawixidda dadka ee Suuqa Bakaaraha,
ayaa dad faro badan ku keentay jahwareer iyo isbarbar yaac sababtay
inay saraha shubka ah ku yaacaan si’ay uga gabbaadsadaan madaafiicda
sida indho la’aanta ah loogu soo ridayay Suuqa Bakaaro.


Duqeyntaaani oo maanta bilaabatay abaaro afartii galabnimo, ayaa loo
adeegsaday madaafiicda ay ka dhacaan hubka calculus ayaa qalqal iyo
cabsi xooggan ku abuurtay dhamaanba dadka degan xaafadaha ka agdhow
Suuqa Bakaaraha iyo dadka kale ee faraha badan ee suuqa ka
dukaameysanayay amaba ku ganacsanayay. Xilliga ay bilaabatay duqeynta
oo ku adaneyd waqti uu socday ka rawixidda dadka ee Suuqa Bakaaraha,
ayaa dad faro badan ku keentay jahwareer iyo isbarbar yaac sababtay
inay saraha shubka ah ku yaacaan si’ay uga gabbaadsadaan madaafiicda
sida indho la’aanta ah loogu soo ridayay Suuqa Bakaaro.


Ilaa shan iyo toban daqiiq oo ay socotay duqeyntaasi ayaa markii ay
istaagtay waxaa bilaawday gurmad loo sameynayay dad ay guryahooda kula
dhaceen madaafiicda aan loo meyl dayin ee ku soo hoobanayay xaafadaha
ku dhow dhow Bakaaro, iyo Suuqaba.


Waxaa kamid meelaha ay madaaficdu haleeshay: Qeybta badarka ee Suuqa,
Qeybta khudaarta iyo xaafaddo ka agdhow isgoyska Bakaaraha, tiradda
dhimasha ay sababeen madaafiicdaasi ayaa inta la’ogyahay gaaraya ilaa
iyo afar ruux, iyadoo 14 kalena oo ay ku jireen afar caruur ah iyo
haweeney ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loola cararay Cusbitaalka Madiina
ee magaalada Muqdisho.


Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa duqeytaan dhibaatada
geysatay, hase ahatee wararka qaar ayaa sheegaya inay timid duqeynto,
kadib markii hobiyeyaal lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho
xilli uu kasoo degayay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo maanta
kasoo laabtay magaalada Nairobo ee caasimadda wadanka Kenya.

Somchat.com,
Muqdisho-Somalia


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.