What you may have missed

Sunday, August 9, 2009

Uruka xisbul islaam oo maanta beeniyay inuu socdo wada hadal u dhaxeeya iyaga iyo dowlada kmg ah

Kadib shirjaraa’id oo xoghaya gaashandhiga ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse cabdi Carraale uu ku qabtay xaruntii hore ee Maxkamaddii Islaamiga ee Xarar yaale ayuu ku sheegay inaanay jirin wax wado hadal ah oo ay la galayaan dowlad KMG ah ee Soomaaliya oo uu isagu ugu yeero dowlada ridoowday.


Sheikh Muuse ayaa dowladda uu hogaamiyeha kayahay Shariif Sheekh Axmed ku eedeyay inay abaabuleyso dagaal markale ka dhaca Muqdisho, waxaanu yiri, Majiraan wax wada hadal ah oo inoo socda annga iyo dowladda mana jiraan wararka sheegayay in dalal ay ka mdyihiin MasarLiibiya iyo Mu’tamarka Caalamka Islaamku ay ku jiraan arrimahaas ku saabsan waanwaanta iyo wadahalka laga dhexwado labada dhinac,isagoo intaasina ku siidaray hadiiba aan wax la heshiineyno iyadoo aaney dhimman dadkii faraha badnaa ee dagallada ku geeriyooday ayaan heshiis la qaadan laheyn dowladdii C/llaahi Yuusuf ayuu yiri Shiikh Carraale isagoo isbar bardhigayna dowladdii uu Madaxda ka ahaa Mud.C/llaahi Yuusuf iyo tan iminkauu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.

Mar aannu weydiinnay bal waxa uu ku caddeynkaro iyo sida ay ku ogaadeen in dagaal la abaabulayo ayaa waxaa uu ka yiri Sh. Carraale taas waxaa caddeyn u ah hubka faraha adan leh ee marakanku ku soo daabulayo dalka iyo waxaa uu ku tilmaamay uruurita ciidan ee ay wadaan sida uu warka u dhigay dhinaca dowladda, isagoo shacabka Soomaaliyeedna uga digay waxa uu ugu yeeray shirqoollada ay wadaan cadowga Islaamka.



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.