
Afhayeenka Dowladda Mr.C/qaadir Walaayo oo saxaafadda lahadlay maanta ayaa ka warbixiyay Safrka R/wasaaraha iyo wafdigiisa ee dalka Liibiya,isagoo sheegayna in Shirka ay ka qeybgalayaan ee hoggaamoyeyaasha waddamada Afrika looga wada xaajoon doono Xiisadaha iyo Dhibaatooyinka ka jira qaar ka mid ah waddamada qaaraddan Afrika,oo ay Soomaaliyana ku jirto.
Sidoo kale madaxda waddamada Afrika ee ka qeybgaleysa shirka ka dhacaya Waddanka liibiya maalmaha 30-ka illaa iyo 31-ka Bishan ayaa waxay dib isula eegidoonaan waxyaabihii ka qabsoomay heshiisyo ay hore uwada saxiixeen madaxda Afrika iyo waxyaabaha aan ka hirgelin waxaana lagu wadaa in arrintii ku saabsaneyd Mideynta wadamada Afrika ee uu u ol olaynayay Hoggaamiyaha Liibiya Mucamar Al Qadaafi ay iyana kamid noqoto waxyaabaha laga wada hadlayo.
Somchat.com
Muqdisho-Somaliya
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.