What you may have missed

Sunday, August 30, 2009

Ciidamo Boolis ah oo Midowga Africa Ka Socda oo Muqdisho La Keenayo

Midowga Afrika oo la sheegay in Ciidankeeda nabad Ilaalinta ah ee kajooga Muqdisho lagu soo kordhinayo Ciidamo Boolis ah. Hadalkan ayaa laga sheegay maanta Xaflad ay ku kala war qaadanayeen Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhacday Dugsigii saree Boliiska ee Magaalada Muqdisho. Kulankan oo ay ka qeybgaleen Illaa 200 oo sarkaal ayaa waxaa saraakiishii ka hadashay kamid ahaa taliyaha Hoggaanka Tababarrada iyo Xiriirka dibadda ee Boliiska Soomaaliya Jen.Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaanno Bashiir Goobe.


Hadalkan ayaa laga sheegay maanta Xaflad ay ku kala war qaadanayeen Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhacday Dugsigii saree Boliiska ee Magaalada Muqdisho. Kulankan oo ay ka qeybgaleen Illaa 200 oo sarkaal ayaa waxaa saraakiishii ka hadashay kamid ahaa taliyaha Hoggaanka Tababarrada iyo Xiriirka dibadda ee Boliiska Soomaaliya Jen.Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaanno Bashiir Goobe.

Bashiir Goobe ayaa waxaa uu ku dheeraaday in Dib udhiska Ciidanka Booliska Soomaaliya ay ku jirto in la casriyeynayo qalab ahaan iyo tababar ahaanba oo lala mid dhigayo Boliiska Soomaaliyeed mid la heer ah Booliska waddamada Kuyaalla bariga iyo Bartabaha Qaaradda afrika.

Jen.Bashiir goobe waxaa kaluu intaasi ku sii daray in dhawaan ay dalka imaanayaan saraakiil boolis ah oo ka socota Midowga Afrika ayna billaabayaan Howlo tababar ah oo ay iska kaashanayaan Saraakiisha booliiska soomaaliya iyo kuwa ka imanaya waddamada Misowga Afrika,

Tababarka ayaa intiisa badan ka dhici doonaa gudaha Dalka Soomaliya hase ahaatee waxa uu Jen. Bashiir xusay in ay sidoo kale jiraan waddammo kale oo iyaguna ballanqaadyo tababareed siiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliya ciidanka Booliska Somaaliya Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo isna kahadlay goobta ayaa tibaaxay in la doonayo wixii ka dambeeya bisha oktoobar ee sannadkan lagaarsiin doono ciidanka boliska Illaa 10,000 askari oo leh tababar ciidan oo dhamestiran iyadoo meeshana laga saarayo buu yiri boliskii lakala heyb soocayay ee lookala nisbeynayay magacyada kala duwan eayna kamidka ahaayeen waa boliiskii UNDP, IWM ahaa isagoo ballanna ku qaaday in boliiska Soomaalyeed uu noqon doono Boolis isku xuquuq ah loona joogteynayo musharaadka iyo Gunnooyinka kaleba.

Sidoo kale waxaa uu kahadlay Jen. Qeybdiid in si aad ah ay tahay wax looga xumaado in boolisku noqdaan kuwo laga cararo marka loo eego waxyaabihii horay loo arki jiray ee ku saabsanaa iney boolisku ku niboobaan kuwo shacabka ugeysta Dhac iyo handadaad taasi waxaan filayaa buu yiri inaaney aheyn wax wanaagsan, waana in laga waantoobaa oo uu bolisku qaataa doorkii iyo wanaagii uu shacbka ku dhex lahaa mar hadii wixii hada ka dambeeya xuquuqdoodii meel la saaray. Waxa kaloo intaa raaciyay Qeybdiid in cidii ana booliskii lagu helo fal ka dhan ah shacabka uu muteysan doono Ciqaab adag.

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.