
Arintaan oo sida uu sheegay sarkaalkaani katirsan xarunta Pentigan-ka Mareykanka ah mid ka hor’imaanaysa ujeedadii kaalmooyinka Military loo siisay Soomaaliya, ayaa hadda Mareykanka waxaa uu aaminsanyahay in dowlada Soomaalliya kaalmada loo mariyo dowlaha Afrikaanka ah ee ay qaar kamid ah ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid yihiin dowladaha Burunid iyo Yugandha.
Sarkaal kaani ayaa intaasi waxaa uu ku daray inay dhici karto in wadamada deriska la ah Soomaaliya sida: Kenya iyo Ethiopia la marsiindoono wixii taakulo Military ah ee uu Mareykanku siinayo Soomaaliya.
Hadalkaani ayaa yimid kadib kulan dhowaan magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweyne Sharif iyo xoghayaha arimaha dibada ee dalka Mareykanka Mrs Clinton, kulankaasi oo dowlada Soomaaliya loogu balan qaaday taagero dhinac walba oo ay ku jirto saanad Military. Hadalkaan kasoo baxa sarkaal kaani katirsan Mareykanka ayaa ah mid ka hor’imaanaya balanqaad yadii ka horayay.
Somchat.com
Muqdisho-Somalia
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.