
Korneel Bariise waxaa uu sheegay in shirka saraakiisha ciidamada oo ay si wadajir ah uwada gudoominayeen taliyiha ciidanka xoogga dalka General Cabdullaahi Dhuumaal iyo taliye xigenka ciidanka boliiska General Maxmednuur looga hadlay xaalada nabad gelyo ee guud ahaan dalka iyo tan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaanu shegay inay kasoo baxeen go’aano wax ka tari kara sida uu warku u dhigay amaanka magaalada Muqdisho kuwasoo ay kamid ahayeen:
1. Inay si deg deg ah u howlgasho Maxkamada Ciidamada ee dhowaan sida lashegay la hergilayay.
2. In si deg deg ah looga howlgalo sugida amaanka magaalada Muqdisho, iyo inaan loo sii dulqaadan doonin dad uu ku sheegay inay yihiin fidno wadoyaal oo shacabkana dhibaateya.
Korneel Bariise waxaa kaloo shirkiisaan jaraa’id ku xusay inaanay ciidamada dowladu dooneynin dagaal dib dambe uga soo cusboonaada magaalad Muqdisho, balse haddii ay ku qasabto ay diyaar u yihiin sidii xoog iyo xeelaba ay amaanka magaalada usigi lahaayeen.
Ma’aha markii ugu horeeysay ee ciidamada dowladu sheegaan inay wax kaqabanayaan amaanka magaalada, hase ahatee arintaani ayaan la ogayn waxa ay ka badali karto amaan xumida joogtada ka noqotay magaalada Muqdisho.
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.