
Booqashada Madaxweynaha ayaa la ogeyn waxay salka ku heyso, ha yeeshee waxay tani qeyb ka tahay dadaalada uu doonayo in dalalka Carabta taageero ugu helo Dowladiisa, iyadoo doorka Carabta ee arrimaha Soomaaliya uu noqday mid gaabis ku yimid.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in Madaxweynaha uu ku hormari doono Qadar, kadibna uu u sii gudbi doono Magaalada Dubai, waxaana uu booqashadiisa ku soo afjari doonaan Dalka Libiya.
Madaxweyne Shariif oo xiriir dhow la leh Dowladda Qadar ayaa laga yaabaa inay ka wada hadlaan xaalada soomaaliya, waxaana la saadaalinayaa suurta gelnimada in Qadar ay wada hadasiisho Madaxweyne Shariif iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Sheekh Xasan Dahir Aweys ee ka Tirsan Sidda la xaqiijiyey Kooxaha mayalka adag ee al qaacidda
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.