What you may have missed

Thursday, August 27, 2009

La Heystayaashii Faransiiska oo Halkood La Soo Daayay

Mid kamid ahaa labo laheyste oo u dhashay Waddanka faransiiska oo maanta dib uhelay Xorriyaddiisii.Si kastaba ha ahaatee maanta ayay dowladda kmg ahi sheegtay iney gacanteeda ku heyso iminka mid ka mid ahaa labadii Sarkaal ee u dhashay waddanka Faransiiska

Labo laheystayaal faransiis ahaa oo indhawaalaba lagu heystay meelo kamid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta waxaa la shaaciyay in mid kamid ahi uu helay xorriyaddiisa, laheystayaashan oo muddo iminka laga joogo ku dhawaad laba bilood laga qafaashay Hotelka Saxafi International eek u yaalla Koonfurta Muqdisho ayaa u yimid Somaliya si ay Dowladda KMG ah uga caawiyaan Dhismaha Ciidamada Nabadsugidda waxaana la sheegay iney ahaayeen lataliyayaal dhinaca Ammaanka ah.

Qafaalashada Nimankan oo markii hore muran fara badan dhalisay ayaa ugu dambeyn la ogaaday iney ka dambeeyeen kooxo lacag doon ahaa oo aan dhanna ka tirsaneyn hase ahaatee mar dambe ayay hadana soo baxday in nimankan faranca u dhashay ay ugacan galeen Kooxaha dowladda ka soo horjeeda, kuwaasoo mudo lagaran weysanaa halka ay ku hayaan inkastoo warar isqilaafsani ay ka soo baxayeen halka lagu hayay iyo cidda heysatayba.

Si kastaba ha ahaatee maanta ayay dowladda kmg ahi sheegtay iney gacanteeda ku heyso iminka mid ka mid ahaa labadii Sarkaal ee u dhashay waddanka Faransiiska,kaasoo aan la xaqiijin karin sida uu ku soo baxsaday in lacago madaxfurasho ah la dhiibay iyo cidda uu gacanta ugu jiray madadii uu qafaalnaa midna, welina waxaan war loo haynin sarkaalka kale ee marlii hore lala qafaashay ninkan iminka lasoo sii daayay mana jirto marka laga reebo iney Dowladda haatan gacanta ku hayso sarkaalkaasi oo uu sheegay wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Ms Geelle, wax ka baxsan oo faahfaahinaya siyaabaha ninakan loo soo furtay.

Somchat.com

Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.