Dowladda waddanka faransiiska ayaa iyaduna dhankeeda ka hadashay inuu mid kamid ah Muwaadiniinteedii labada ahaa ee afduubka loogu heystay Somaaliya uu soo baxsaday iyadoo beenisayna inaaney jirinin wax madaxfurasho lacageed ah oo laga bixiyay sarkaalkani dib uhelay xorriyaddiisa,sidoo kale Mid kamid ah Hoggaamoya yaasha kooxaha islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda Dowladda Somaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo qaabka lagu sii daayay sarkaalka reer Faransa oo la aaminsanaa inuu mar gacanta ururkooda ku jiray iyo iney wax madax furasho ah oo lacageed Dhaafsadeen.
Inkastoo illaa iyo iminka aan wax war ah laga helin sarkaalkan kasoo baxay gacantii uu u qafaalnaa ayaa hadana waxaa lafilayaa in kolka uu tago magaalada Nairobi uu halkaasi kula hadlo warbaahinta si uu uga hadlo qaabkii uuku soo baxsaday iyo sidii loola dhaqmay muddadii uu qafaalnaa.
Somchat.com
Muqdisho-Somaliya
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.