What you may have missed

Thursday, August 27, 2009

Dagaal Dhexmaray Ciidama Dowladda oo Todobo Ku Dhimatay

Toddobo Ruux ayaa ku dhimatay Dagaala ay markale ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda isaga hor yimaadeen Magaalada Muqdisho. (AQRISO WARKAAN) Warka ayaa waxaa uu intaasi ku sii darayaa in labadii nine e qoryaha laga qaaday intey dib ugu noqdeen Guriga uu deggenyahay Xaabsade oo ku yaalla KM5 isna soo hubeeyeen iney dib ugu soo noqdeen halkii ay ciidanka qoryaha ka dhigay joogeen

Dagaalkan oo ku dhexmaray maanta Duhurkii ciidamo ka wada tirsan Bolooska dowladda ayaa yimid ka dib markii labo ka mid ah ciidamada ilaalada ee wasiirka wasaaradda Beeraha ee Dowladda, Maxamed Ibraahim Xaabsade looga qaaday qoryo ay ku hubeysnaayeen iyagoo aan wadan Dareyska ciidamada xilli ay lugeynayeen agagaarka KM4,kuwaasoo ay hubka ka dhigeen Ciidan boliis ah oo sida la sheegay ku gudo jiray ilaalinta Ammaanka wadada Maka Almukarrama oo beryahan dambe qeybo kamid ahi ay ku soo noqnoqdeen dagaalo.

Warka ayaa waxaa uu intaasi ku sii darayaa in labadii nine e qoryaha laga qaaday intey dib ugu noqdeen Guriga uu deggenyahay Xaabsade oo ku yaalla KM5 isna soo hubeeyeen iney dib ugu soo noqdeen halkii ay ciidanka qoryaha ka dhigay joogeen iyagoo weliba ay la socdaan rag kale halkaasoo ay ku billaabeen rasaas si ay u furtaan qoryaha hore looga qaatay, iontaa kadibna waxaa muddo 15 daqiiqadood ah laysku weydaarsaday tacshiirad taasoo keentay dhimashada 6 askari oo labada Dhinac iyo gabar iyana ganacsi ku heysatay halka lagu diriray oo aheyd isgoyska KM 4.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka oo aanu lahadalnay Dagaalka ka ayaa waxaa ka dhintay ciidanka Gurigiisa ka tegay labo uu mid ka mid ahi ahaa sarkaal darajadiisu aheyd Dhamme Boliska ka tirsanaa iyo mid kale oo isna boliis ahaa iyadoo mid kalena uu ka soo gaaray dhaawac,waxaanu intaasi ku sii daray in dhanka kalana sida uu ka soo xigayay Cabdi qeybdiid oo ah talioyaha Ciidanka boliska iney dhinteen 4 askari.

Xaabsade waxaa kaluu sheegay iney Dhacdadani aheyd mid aan raalli laga aheyn isla mar ahaantaana aan lagu talo gelin isagoo xusay inay jirtay amar dowladda ka soo baxay oo sheegayay inaan waddooyinka magaalada lagu dhex sidan karin hub, sidaasi darteedna arrintani uu u arko mid qorneyd oo aan la baajin karin, isagoo ugu dambeyntiina u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Iska hor imaadka islamarkaana carrabka ku adkeeyay inaaney reebaynin wax uur kutaallo ah oo ku aaddan waxa ka dhashay Dhacdadan.

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.