What you may have missed

Wednesday, August 26, 2009

Beelaha Digil iyo Mirif oo maanta eedeeynmo u soo jeediyay Dowladda

Xubnaha Labada Gole ee dowladda ugu jira Beelaha Digil iyo Mirif oo maanta eedeeynmo u soo jeediyay Dowladda. Kadib Shir ay maanta isugu yimaadeen Xubno kabadan 100 mudane oo ka soo jeeda amaba ku abtirsada Beelaha Digil iyo Mirif ayaa waxay ka soo jeediyeen Hadallo lagu diidanyahay qaabka uu R/wasaare Sharma’arke isugu shaandheeyay Dhawaan Dowladda uu Madaxa ka yahay, inta badanna mudanayaashaas maanta ku shiray Hotelka Naasa Hablood 2,ee magaaladan Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda wax uqabasho la’aan ciidamada Dowladda eek u sugan Degaannada kamidka ah Gobolada Bay iyo Bakool waa sida ay warka u dhigeene, sidoo kale mudanayaashan ayaa waxay ku eedeeyeen R/wasaaraha in uu hareer maray qaabkii awood qeybsiga beelaha ee lagu soo dhisay aslkii horeba dowladda.
Mudanayaasha ka tirsan baarlamanka oo uu si aad ahi ukululaa hadallada ay isticmaalayeen ayaa ka dalbaday xubnaha ka soo jeeda beelahan eek u jira Golaha wasiirada dowladda iney hordhigaan Golahaasi ashtako ku aaddan xuquuq badan oo sida ay sheegeen ka maqan beelaha ay matelaan taasoo ay ku hanjabeem hadii aan wax laga qabanna iney qaadan doonaan tallaabada ku aaddan oo ay ku sii fasireen iney ka soo horjee3san doonjaan habka Awood qeybsiga ah ee lagu soo heshiiyay iney dowladdu ka dhisanto.

Dhawaan ayay aheyd markii sedan oo kale Madanayaal kasoo jeeda Beelaha Direed ay iyaguna ku eedeeyee R/wasaaraha inuu lunsaday Xuquuq ku aaddan habka awood qeybsiga oo ay beelahaasi lahaayeen taasoo ay ku sheegeen inuu u hbeeyay beelo kale oo laakiin aaney magacaabin,waana markii labaad amaba Beeshii labaad oo kamid ah beelaha waaweyn marka loo eedo qaabka awood qeybsiga ee 4.5-ka oo cabasho soo jeedisa tan iyo markii isku shaandheynta lagu sameeyay dhwaan Golaha Wasiirrada ee Dowladda KNG ah ee Somaliya.

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.