What you may have missed

Sunday, August 16, 2009

Hoobiyoyaal Lagu Garaacay Xamerweyne iyo Xamarjajab

Weerar loo adeegasaday Qoriga hoobiyaha loo yaqaanno oo dad ku waxyeelleeyay xaafado ka tirsan Degmooyinka Xamarweyne iyo X.jajab. Duqyntan oo sida muuqatay loola danlahaa in lagu weeraro xarunta madaxtooyada Dowladda ayaa ka weecatay bartilmaameedkeedii taasoo ku dhacday xaafado ka tirsan degaannada Xamarweyne iyo Xamar jajab oo ka mid ah Xaafadaha qadiimiga ah ee Magaalada muqdsho
waxaaney dad degaannadaasi joogaahi usheegeen Shabakaddan warbaahineed ee Somachat in mid kamid ah rasaasta qoriga Hoobiyaha ay ku dul dhacday guri ku yaalla xaafadda Israac oo degmada Xamar Jajab ka tirsani kaasoo uu dhaawac ka soo gaaray hooyo iyo labo carruur ah oo ay iyadu dhashay oo xilliga uu madfucu ku soo dhacayay ku wada jiray gudaha gurigooda.

Sidoo kale mid kale oo kaas lamid ah ayaa laga soo she4gay inuu canug kale kudhaawacay Degmada Xamar weyne, mana jirto cid sheegatay illaa iyo iminka weerarkaasi waxyeellada ugeystay dadka rayidka ah iyadoo inta badanna weerarrada loo adeegsado Duqeynmaha ee ay isku qaadaan dhinacyada Muqdisho isaga soo horjeedaahi ay dhibaato naf iyo maalba leh ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee dushooda lagu dirirayo

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.