
Intaba badan dadkii ka hadlay kulankani ayaa isku feker waxay ka ahaayeen in marka hore Culimada diintu ay sare u qaadaan ku wacyigelinta bulshada ee wanaagga adduun iyo Aaqiraba laga helaayo isku xukunka Shareecada,iyagoo hadalkoodana ku daray in Somaliya la doonayo sidii ay tusaale ku dayasho mudan ugu noqon laheyn dunida kale ee Muslimka ah waxaanu warku u badnaa in laga ogaado fishil sidii dhacday marar badan, oo qof walbaana laga doonayo inuu dhiso kaalinta uga aaddan hirgelinta Shareecada iyadoo laga soo abyayo dhanka reer walba iyo haygiisa,
Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow oo gebagebadii kulanka kahadlay ayaa ku ammaanay dadkii kulankani ka qeybgalay iyo fikirka wanaagsan ee ay ku soo kordhiyeenba waxaanu sheegay sidoo kale in at socon doonaan kulamada nuusan oo kale ah si loo gaaro goaanka kama dambeysta ah ee loo qaadanayo qaabka ugu habboon ee loo marayo dhaqangelinta dalka ee iswaafajinta shareecada iyo qaanuunnada kale ee Dowlaiga ah ee dalkan u dhignaan jirtay.
Somchat.com
Muqdisho-Somaliya
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.