What you may have missed

Monday, August 17, 2009

Ciidamada Dowladda oo Mushaar La'aan Wadooyin U Xirtay - Baledweyne

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Magaalada Beledweyne dad ku dhaawacaykadib rasaas ay fureen Xilli la saheegay iney Gadoodsanaayeen. CiidamoTaageesanaa Dowladda KMG ah ayaa saaka Gadood ka sameeyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyadoo Rasaas ay ciidamadaasi rideenna ay dhhaawacyo ka soo gaareen illaa seddex ruux oo shacab ah sida ay Somchat u xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ah oo ku suga magaaladaasi..

Ciidamada ayaa intii ay kugudo jireen gadoodkani waxay saacado xireen isu socodka dadka iyo gaadiidka iyo in la furo goobaha Ganacsiga,iyadoo sababta Gadoodkoodana ku sheegay iyagoo aan muddo laba bilood ah helin lacagtii Mushaaraadka aheyd ee ay ka filayeen Dowladda Soomaaliya sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay sarkaalka Taliyaha u ah ciidamada Gadoodka ka sameeyay magaalada B/weyne,kaasoo lagu magacaabo Cali Geeddi.

Ciidamadan careysan ayaa la arkayay iyagoo Taayarro ku gubaya waddooyinka waaweyn ee magaalada, Dad badan ayay la yaab ku noqotay tilaabada ciidamadu saaka ku dhaqaaqeen.


Madaxa Arimaha Bulshada Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya Aadam C/salaa n oo la hadlayay ciidamada gadooday ayaa Dowladda KMG ah waaxyaheeda qaabilsan howlaha Ciidamada iney soo dedejiyaan Xuquuda ay ciidamadu ku leeyihiin Dowladda si aaney arrintani wax ugu dhimin Ammaanka maakaalada iyo kan guud ahaan Gobolka hiiraan.

Somchat.com

Muqdsho Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.