What you may have missed

Monday, August 17, 2009

Dad Beeraleey ah iyo Xisbul Islaam oo Dagaal Dad Isaga Dilay

LABO RUUX AYAA KU DHIMATAY SEDDEX KALANA DHAAWACYO AYAA SOO GAARAY KADIB DAGAAL U DHEXEEYAY XISBULISLAAM IYO DAD BEERALLAY AH AGAGAARKA DEG.AFGOOYE Iska hor imaad xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanka Saabyo oo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmada Afgooye oo kamida adegmooyinka uu ka koobanyaha Gbolka Sh/hoose.

Iska hor imaadkaasi ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Ururka xisbulislaam oo iyagu ka taliya Degmadaasi iyo agagaaraheedaba iyo dad Beeraleyah oo Degaankaas ka soo jeeda iyadoo lagu soo warramayo in iska hor imaadkaasi ay ku geeriyoodeen Illaa labo ruux oo labada dhinac ka kala tirsanaa iyadoo sidoo kalana la soo werenayoin illaa Seddex ruux oo kale ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen isku dhacaasi.

Iska hor imaadkan qasaaraha gaystay ayaa waxa uu yimid kadib markii ninka geeryooday dacwad ka dhan ahayd la soo gaarsiiyay Maamulka taasoo Maamulku uu warqad u qoray ninkaasi taa oo faraysay in uu yimaado Xarunta Maamulka si uu dacwaddalagu soo oogay uu uga jawaab bixiyo.

Hase ahaatee ninkaasi ayaa la sheegaya in uu ka madax adeegay warqadaasi iyadoo markii danbana sababtay in Maamulku beegsado ninkaasi beeralayda ah goob uu ku suganaa.

Dacwada lagu soo oogay ninkaasi ayaa ahayd bay leeyihiin dadka deegaanku muran xaga dhulka ah oo waayihii ugu danbeeyay soo jiitamayay .

Maxamuud Xuseen Kofrow ooah madaxa arrimaha Maamulkauqaabilsan dhanka amniga ayaa waxa uu qabtay shirjaraa’iid oo uu kaga waramayo arrimahaasi iyadoo shirkaasina uu ku casuumay qeybaha kala duwan ee warbaahinta isagoo faahfaahin ka bixiyay sidaas uu isku dhcu ku billowday dabadeedna sheegay in goobihii uu dagaalku ku dhexmaray labada dhinac ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Xisbul islaam ee Degmada Afgooye.


Si kastab ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo Ciidamo katirsan Maamulka Islaamiga ah ee degmada Afgooye iyo kooxo hubaysan oo beeralay ah uu dagaal ku dhex maro degaannadaasi tan iyo marlii uu Xisbul Islaan uga dhawaaqay degaankaasi maamul ay ku sheegeen inuu yahay mid Islaami ah

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.