What you may have missed

Wednesday, August 12, 2009

Gen. Galaal oo Shirkii Saraakiisha Soomaaliyeed ee Washington U Cuntamin

General GalaalJeneral Galaal oo shirkii sarakiisha ciidan ee ka dhacay Washiton ku tilmaamay mid aanay waxba ka soo bixin. Jeneral Maxamad Nuur Galaal oo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shir ay isla soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda K.M.G ah iyo Xafiiska Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya oo la isugu yeeray saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya kana dhacay magaalada Washinton ayaa ku tilmaamay shirkaasi mid aanay waxba ka soo bixin.


Jeneral Galaal oo wareysi gaar ah siinayey idaacadda BBC-da ayaa intaasi ku sii daray in shirka ay ka qaybgaleen sida uu warka u dhigay dad hilow u qabay xukunka dalka Soomaaliya oo weli gocanaya amarkii iyo awooddii ay ku lahaan jireen beri dalka Soomaaliya; Jeneralku oo sii hadlayey ayaa intaasi raaciyey in dadka shirka ka qaybgalay ay yihiin kuwo aan mudneyn in imika looga talo qaato xalka nabadgalyo ee Soomaaliya, isagoo ku edeeyey in qaar ka mid ah saraakiisha shirka ka qaybgashay ay horey xasuuq uga geysteen gudaha dalka Soomaaliya.

Sidookale eedeymahan ka soo yeeray Jeneral Galaal ee kadhanka ah Saraakiishii ciidan ee ku shiray Maaallada Washinton ee Xarunta Waddanka Mareykanka ayaa waxaa ku jiray in aaney aqoon u laheyn habka dhismaha ciidanka, mar hadii sida uu sheegay ay isku raaceen in 36000 oo ciidan ah lagu dhiso lix bilood ah, kuwaasoo uu ku sheegay in ay dib u hurinayaan dagaallo hor leh, waa sida uu Jeneralku warka u dhigayee

Eedeymahan ayaa waxaa ay immaanayaan kaddib markii Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi uu isna shaaciyey in shirkaasi uu ku soo idlaaday guul, isagoo saraakiishii shirkaasi ka soo qaybgashayna uga mahadceliyey howshii ay qabteen oo ka badneyn middii laga filayey.

somchat.com
Muqdisho – Somaaliya

Kala Soco Wararka cusub Somchat Furo http://www.somchat.com maalin walba oo daawo Video-yada wararka ah ee cusub ama aqriso wararka cusub oo aan weli meelaha kale lagu soo daabicin - si qaas ah halkaan uga hel wararka.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.