What you may have missed

Saturday, August 29, 2009

Dad la sheegay iney Macaluul ugu dhinteen Daafaha Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ka hadlay Dad la sheegay iney Macaluul ugu dhinteen Daafaha Muqdisho.Guddoomiyaha maamulaka Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo maanta lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dad u geeriyoodeen gaajo,inkastoo Guddoomiyuhu aanu carrabaabin Tirada Dhimashada iyo halka ay ka dhacday


Iyadoo ay isa soo tareysay beryahan dambe Dhibaatada xagga nolosha ka heysata dadka faraha badan leh ee ka baeakacay guryahoodii ku yiillay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho kadib dagaallada aan dhamaadka laheyn ee ka dhacayay waddooyonka iyo xaafadaha shacabka ee indhawaalaba ku noolaa dhulalka bannaanka ka ah muqdisho,oo ay u miciin bideen bal iney ka nabad galaan dagaallada iyo Duqenmaha isku lifaaqan ee markastaaba ka dhaca muqdisho,ayaa hada waxaa soo baxaya warar aad u naxdin badan oo ku saabsan iney dad ugu dhinteen dhibaato kadhalatay gaajo iyo macaluul dhulkii ay dadku ku barakeceen.

Guddoomiyaha maamulaka Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo maanta lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dad u geeriyoodeen gaajo,inkastoo Guddoomiyuhu aanu carrabaabin Tirada Dhimashada iyo halka ay ka dhacday midna,ayaa hadana waxaa suura gal ah marka la eego dhibaatada nololeed ee ay qabaan dadka barakacayaasha ah eedeggan iminka inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye amaba kuwa iyaguna deggan dhanka waqooyi ee magaalada iney imaan kartay arrinta uu hada ka dhawaajiyay Mayer Dhagaxtuur.


Waxaanu codsaday in heyadaha gargaarka ka shaqeeya iyo soomaalida wax heysataahiba ay gargaar de deg ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka soomalida ah eeku dhibaatoonaya agagaaraha Caasimadda soo gaarsiiyaan

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.