What you may have missed

Monday, August 10, 2009

Alshabaab oo Bixiyay Amarro Ku Aadan Hab Dhaqanka Dadka Muqdisho

Al shabaab oo kamid ah ururada hubeysan ee kasoo horjeedda dowlada KMG ah ee Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ah saddex maamul oo midba gooni looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saaray ammaradaan ay ka midka yihiin:


In dadka Muqdisho aanay dhaq dhaqaaq ganacsi iyo socodba caadi ah ku dhex sameyn Karin degaanada ay ka taliyaan Ururkaasi oo uu ku jiro Suuqa Weyn ee Bakaaro, oo la’ogyahay in dad faro badan oo ka kala yimid meelo kala duwan ay usoo ganacsi tagaan.

Amaradaani oo uu bixiyay ninka madaxda ka ah Maamulka Gobolka Banadir ee dhinaca Ururka Al shabaab katirsan Sheekh Cali Maxmed Xuseen oo shir jaraa’id ugu qabtay saxaafadda Muqdisho khadka telefonka, ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa In hablaha Muqdisho aanay socon karin iyaga oo aan xirnayn xijaabka.

Magaalada Muqdisho oo ay hadda ka jiraan saddex maamul oo kasoo kala jeeda dowlada KMG ah ee Soomaaliya, Xisbul Islaam iyo Ururka Al shabaab, ayaa midba goonideeda waxaa ay u soo saaraan ammaro ku aadan hab dhaqanka magaalada, kuwaasoo aad moodo in dadka shacabka ee caadiga inay ku wareereen madaama annu jirin hal maamul oo mideya magaalada Muqdisho.

Ma’aha markii ugu horeysay ee Ururka Al shabaab uu kasoo saaro ammaro ceynkaani oo kale ah , waxaana horay loo ogaa in sidaan oo kale ammaro kasoo saareen degaanada hoostaga maamulkooda ee koonfurta Soomaaliya.

Somchat.com
Muqdisho_Somalia

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.