What you may have missed

Monday, August 10, 2009

Qarax miino oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdi

Qaraxaani oo loo adeegsaday miino waddada qarkeeda la geliyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee xaruuntii Afisiyooone ee magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyooday inta la ogyahay 3 ruux oo ay laba kamid ah yihiin dad rayid ah oo wadada marayay halka midka sadexaadna uu la socday gaarigii ay la qaraxday miinadaan oo uu noociisu ahaa gaari Runner ah, kaasoo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan boliiska dowlda KMG ah ee Soomaaliya.


Qaraxaan oo dhacay barqonimadii maanta, ayaa markii uu dhacay kadib waxaa goobta shilku ka dhacay soo gaaray ciidamo kale oo boliiska dowlada katirsan kuwaasi oo xiray agagaaraha halka ay miinadu kula qaraxday gaariga, iyadoo isusocodka dadka iyo gaadiidka ee wadadaasina uu istaagay in door ah.

Lama oga cidda rasmi ahaan ka dambeysa qaraxaasi miino, mana jirto cid sheegatay ilaa iyo iminka, iyadoo muddooyinkaani dambana ay si joogta ah uga dhacaan wadooyinka magaalada Muqdisho qaraxyada noocaani oo kale ah ee lala beegsado ciidamada dowlda.

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.