What you may have missed

Monday, July 6, 2009

Muuqaalka Dagaalka oo Socda

Dagaalka Muqdisho ayaa beryahan kusoo baxay mid musalsal ah oo hadba nuuc noqonaya hadana had iyo goor melishiyaadka is heysta iskugu faanayaan anaa kaa xabad rid qurxoon iyo teydaa daran. Fiirso dhalin yar baas furaya qaarna hoobiya yaal sida loo rido Aljazeera u soo bandhigaya. Bal hadaba waxba ha isku daalin inaad soo ijaarato filin weero ah ee kan daawo
Video-gan halkaan ku jira waa mid wariye u shaqeeya Aljazeera ka soo diyaariyay Muqdisho iyadoo dagaalka markaas socdo. Marbaa waxaad arkee dagaal yahano dufeys ahaan derbi ugu gambanaya oo ay kaaliso islaan xijaaban. Maxay meesha ka sameynee oo maa ka cararto meesha xabaddaha la isku weydaar sanayo. Markaasaa lagu leeyahay xabad lasoo riday aa qof shacab ah dishay.


1 comment:

  1. Qofta aad ka hadashay oo ka muuqata video-gan marka seconds-ka tahay 0:18 waa shacab qof ah nafteedana u cabsanaysa sida muuqata marka walaalkiis, guryihii xaafada ayaa lasoo dhex galay dadkuna waa dariskii iyo maatadii guryaha deganaa oo albaabadoodii loosoo gudbay ee halayaabin

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.