What you may have missed

Monday, July 6, 2009

Ciyaal Xaaladda Deg Degga Saameysay oo Reer Xamar Jajab ah

Sharciga deg degga ah ee Sh. Shariif ku soo riday dalka ayaa ah mid siinaya DKM ah xoriyad ay ku howl gasho oo ay ku fulisho wax yaabo badan oo haddii kale aanay suurto geli lahayn. Aan is weydiinee, maxaa ka mid ah arrimaha dowladdu ku fulin karto xukunkaas?

Sidaan ognahay madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa dhowaan ku soo riday Soomaaliya sharciga deg degga ah. Mida kale, waa qodob ku jiray constitution-ka dowladda KMG ah.

Qeexid yar.

Amarka Deg Degga ah (State of Emergency) waa qaab dowlad ay ku ridi karto dalka ay xukunto kaaso keeni kara in la joojiyo shaqooyinka caadiga ah ee dowladda qabato iyadoo shacabka ugu baaqaysa inay ka digtoonaadaan nolol maalmeedkooda haddii ay lid ku tahay talaabooyinka ay markaas dowladdu ku dhaqaaqeyso. Sidoo kale, sharcigan ayaa ah mid dowladdu ku amri karto agensiyada kala duwan ee dowladda inay ku sheqeeyaan waxii la socda sharciga deg degga ah ee loosoo diyaariyo.

Waxa saameeya shacabka ee la socda amarkan deg degga ah ayaa ka mid ah in laga qaadi karo xoriyadaha aadamiga ah sida kan xoriyada hadalka (freedom of speach) xaqqa qofku u leeyahay lahaanshaha (right to own property) iyo tan xukumid xaq ah oo qofka la horkeena maxkamad.

Faalada:
Maanta ayaa xaafada xamar jajab waxaa laga aruuriyay dhalin yaro lagu tuhmay inay u shaqeeyaan alshabaabka. Dadbadan ayaa is weydiinaya, maxay ka dhex sameenayaan xaafad dowladda ay la dagaalayaan ay faraha ku heyso wiilashaas, waa hadii ay la xiriiraan alshabaabe, oo may galaan dagaalka basna u raacaan kaaraan iyo frontiga dagaalka?

Sida cadaaneysa marka ciyaalkaan waa labo mid. Ama waa tif tifeen moobeel kula socodsiiya shabaabka miisha ciidamada dowladda had iyo goor joogaan, ama waa ilmo iska shacab ah oo afkooda isku baxar geliyay oo had iyo goor jecel inay cadeeyaan taageerada ay u hayaan Alshabaab. Dhibka jira yaa ah, Alshabaab ninkii dowladda taageersan oo ay warkooda hesho allaha u naxariisto. Sidoo kale, dowladu ninkii ay u maleyso inuu Alshabaabka sir doon u yahay, ama askari kayd ah u yahay allaha u naxariisto. Waa arin aad u cabsi badan waxaanse qabaa aniga in dhalin yartaas aan horay laga soo dayn doonin.

Marka, anigoo soo noqonaya qaabka dowladdu u shaqeeynayso hadda ee ah xaalad deg deg ah, waxay dowladdu banaysatay inay xaq u leedahay qabqabshada ay ku sameyneyso dhalin yarta ay ka shakiso. Midda kale, sharciga u yaala DKMG ah ma qaban karo ayaga hadda maadaama isaga dhan uu ku jiro suspension. Balse, aaway kii Islaamka?

Soo maaheyn dhowaan markii la ansaxiyay sharciga shareecada Islaamka in lagu dhaqo Soomaaliya? Waa su'aale, xagee ayay kaga jirtaa shareecada amarkan deg degga ah ee lagu soo dejiyay dalkeena?


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.