What you may have missed

Sunday, July 5, 2009

Geediyoow Afkaaga xiro ama keen Xal lagu difaaco Dowladda aad xilibaanka ka tahay


Hadii aadan maqal, waxaa jirta in Raiisul Wasaarihii hore ee TFG-da ee C/laahi Yuusuf ka buriyay shaqada asagoo Itoobiya ku diray ninkaas, ayaa dhowaan ka hadlay qaabka Dowlada KMG ah ay wax u wado. Waa Prof. Cali Maxamed Geeddi. Sida wararku sheegayaan, Geedi wuxuu yiri dowladda KMG waxay dhumisay fursad ay isaga difaaci kartay Alshabaab iyo Xisbul Islaam. Waxaa is weydiin leh, waa tee fursadda ninkani ka hadlayo?
Sida lagu soo qoray dalkanews.com, Prof Geedi ayaa sheegay in uu jiray ciidamo milateri hubaysan oo ka howl geli jiray Muqdisho ayagoo ahaa kuwo isku filan. Waxa Gedi ku tilmaamay ciidamada dowlada ee ahaa militeriga hubaysan ee isku filnaa, kuwaasoo sida uu ra'sul wasaarihii hore Gedi kala jeedo inay difaaci kareen dowladda ayaa sida aan wada ognahay ahaa koox ciidamo beeleed ah oo aan haba yaraatee lahayn wax awood ah. Waan ogsoonahay in Alshabaab ciidamado Ethiopia ay la dirireen oo ay bursan jireen kooxaha loo aqoon jiray copy itoopia.

Waxaa dheer intaas inay jireen kuwii la oran jiray maryo calas oo C/laahi Yusuf dadka shacabka reer Muqdisho si toos ah ugu xasuuqi jiray oo isagana ilaalin jiray. Kuwaas oo berigii horeba laga soo daad gureeyey Puntland ayaa noqday kuwo C/laahi Yusuf la qaxay markuu kursiga dhiiga baneeyay.

Marka geediyoow? Su'aasha ah Aaway Ciidamaddii Meliteriga Hubeysnaa ee Dowladda? Ma waxaad kala jeedaa, aaway kuwii aniga i ilaalin jiray ee aan C/laahi Yusuf isaga dhicin jiray? Taasna waa su'aal mudan in la is weydiiyo.

Mida kale, Geedi naftiisa kursiga waxaa ku hayay taageerada Mareykanka iyo Ethiopia oo had iyo goor ka dhicin jiray Col C/laahi Yusuf. Waa tay dhowr mar labada nin ee markaas TFGda u sareeyey is qab qabsadeen oo lakala dhex geli jiray. Dhanka kalena, TFG-da oo dhan Ethiopia ayaa ciidan u ahayd. Hadase, Dowladda Sh. Shariif ayadaa gacmaheeda isku difaacda, inkastoo aanay tii horay wax saas ah dhaamin awood ahaan, hadana ayadaa ciidan difaacaya sameysatay ooba askartiida u huraysa halkii tii Geedi iyo Yuusuf ay dhuumaalaysi ku joogtay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, maanta xaalku wuxuu taagan yahay, Ethiopia iyo Kenyaba dalka ha soo galaan oo dowladda ha difaacaan. Sidaas darteed, waxay ahayd ,maadaama Geedi yahay xilibaan ka tirsan dowladda hadatan la joogo, inuu raadiyo xal dowladda loogu heli ciidan leh awood ay isaga dhiciso Alshabaab iyo Xisbul Islaamka. Balse ninkaan oo iska degan qasri uu ku iibsaday lacagihii uu ka dhacay shacabka iyo baarlamaanka dowladii uu u taliyay, ayaan hayn wax shaqo ah ama wax xal ah. Markaasoo kale waxaa wanaagsan inaad afkaaga xirato mudane Geedi.


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.