Dhibka jira ayaa labo ah. Midda koowaad, diinteenu ma ogola in aad xamaasho qamrada. Qofka taxigiisa ku qaada rakaab sida qamro waxay taxileedu u arkaan inuu yahay qof xamaalaya qamradaas rakaabku sito. Tusaale ahaan, waxaa dhacda in magaallada dhexdeeda, siiba habeenka jimcada iyo sabtida (weekend), ay gaaladu soo iibsadaan qamrada si ay habeenkaas u cabaan. Marka, qofkaas ayaa taxi wacanaya kadib markay dukaankii qamrada kasoo baxaan. Nin muslim ah ayaa taxigiisa lasoo hor istaagaa dukaan. Waad u jeedaa in qofkani -gaal ba ha ahaadee- qamradiisa xambaar sanyahay. Qaarkoodna, waxayba codsadaan inaad xamaasho oo aad taxiga u geliso. Marka iisheeg Soomaliga laga dhaadicanayo ii xamaal qamradeyda kadibna taxigaaga ii saar aan shan doolar kuu soo taagee.
Si kastaba, waa wax xun, marka taxileydu waa ku saxsan yihiin inay gebi ahaanba iska diidaan qaadista rakaabka sita qamrada. Taas kaliyah maahee, qofku haduu xataa cabsanyahay in aad qaado maahan sababtoo ah dhibaato ayuu kuusoo jiidi karaa.
Marka Airportiga inuu yiraahdo ama shaqada ama diinta mid daa, waa wax laga fiican yahay. Hase yeeshee, gaaladu waa dalkoodii oo ayagana waa inay fiirsadaan waxii dantooda u ah.
Haa, waa run aniguba ma qaadeen qamrooliiste shaqadeydana ma uga tageen marka waan fahmi karaa marxaladda ay muslimiinta mareykanka jooga ku jiraan maanta walaal marka Allaha u fududeeyo xaaladooda
ReplyDelete