What you may have missed

Friday, June 19, 2009

Taxileeydii oo diiday inay qaadaan qof qamro sitta

Darawallada Taxi-ga ee Muslimka ah ayaa diiday inay qaadaan qof wada Qamrada. Soomaalida shaqada taxiga ka shaqaysta ayaa u badan dadka kasoo horjeeda inay rakaabka qamrada sida ay soo galaan taxigooda waxaana arrintaan lasoo hordhigay goobaha shaqada sida Airportika Minneapolis. Hadda xaaladda ayaa ah mid Airportigu go'aansaday in qofkii diida inuu rakaabka qaado la ganaaxayo laba bilood oo shaqo la'aan ah marka ugu horeysa. Kadibna haddii mar labaad isla shaqaalahaas diido inuu qof qamro sida qaado, waxa la ganaaxayaa labo sano.



Dhibka jira ayaa labo ah. Midda koowaad, diinteenu ma ogola in aad xamaasho qamrada. Qofka taxigiisa ku qaada rakaab sida qamro waxay taxileedu u arkaan inuu yahay qof xamaalaya qamradaas rakaabku sito. Tusaale ahaan, waxaa dhacda in magaallada dhexdeeda, siiba habeenka jimcada iyo sabtida (weekend), ay gaaladu soo iibsadaan qamrada si ay habeenkaas u cabaan. Marka, qofkaas ayaa taxi wacanaya kadib markay dukaankii qamrada kasoo baxaan. Nin muslim ah ayaa taxigiisa lasoo hor istaagaa dukaan. Waad u jeedaa in qofkani -gaal ba ha ahaadee- qamradiisa xambaar sanyahay. Qaarkoodna, waxayba codsadaan inaad xamaasho oo aad taxiga u geliso. Marka iisheeg Soomaliga laga dhaadicanayo ii xamaal qamradeyda kadibna taxigaaga ii saar aan shan doolar kuu soo taagee.

Si kastaba, waa wax xun, marka taxileydu waa ku saxsan yihiin inay gebi ahaanba iska diidaan qaadista rakaabka sita qamrada. Taas kaliyah maahee, qofku haduu xataa cabsanyahay in aad qaado maahan sababtoo ah dhibaato ayuu kuusoo jiidi karaa.

Marka Airportiga inuu yiraahdo ama shaqada ama diinta mid daa, waa wax laga fiican yahay. Hase yeeshee, gaaladu waa dalkoodii oo ayagana waa inay fiirsadaan waxii dantooda u ah.

1 comment:

  1. Haa, waa run aniguba ma qaadeen qamrooliiste shaqadeydana ma uga tageen marka waan fahmi karaa marxaladda ay muslimiinta mareykanka jooga ku jiraan maanta walaal marka Allaha u fududeeyo xaaladooda

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.