What you may have missed

Wednesday, May 6, 2009

Maraykanka oo indha-indheynaya inay Soomaaliya Gudaheeda dagaalka Burcad badeedka keenaan

Komaandarada ugu sareeya xoogga dalka Mareykanka ayaa beryahaan ku howlan wadahaddalo ay is dhexmariyaan oo ku aadan in gudaha Soomaaliya la galo si loola wareego meelaha ay ku nool yihiin burcad badeedda ka shaqeysata maraakiibta maraya agagaarka badda Soomaaliya.

Kadib mar ay isugu yimaadeen ciidamada badda ee dalka Mareykanka Axaddii lasoo dhaafay shir, ayuu Xooghayaha Waxqabadka Ciidamada Badda, Admiral Gary Roughead, sheegay ineysan macquul ahayn in burcad badeedka lagula dagaala badda weyn ee agaagarka Soomaaliya, taasoo afar mar ka weyn gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Sida uu yiri, "Burcad badeedku ma ku dhex noola badda. Waxay degan yihiin beriga. Lacagtooda madaxfurashada waxay geystaan beriga. Kama wada hadli karno sidii loo dhamayn lahaa burcadnimada badda anagoo ka hadlin beriga dalka Soomaaliya."

Waxaa kale uu ku daray inkastoo la dagaalanka burcadka hadda ka koobantahay mid ka celcelin, ka hortigid iyo ka badbaadin burcadbaadka howlahaas oo laga dhex qabto badda, xalka saxda ah waa mid ku xiran dalka gudihiisa.

"Waan isku daynaa inaan badda gudeheedda aynu howsha ka wadno. Balse waa in sharci marka hore la helaa si loogu qabto burcadka loona soo saaro maxkamad dalka gudihiisa ah. Taas ayaana ka maqan Soomaaliya. Ma jiro sharci mana jiro wax kala dambeyn ah."

Sida uu warka raaciyey Admiral Gary Roughead, ayuu sheegay in shirkadaha maraakiibta wax ku dhoofista ay diideen iney qalqal geliyaan shaqaalaha iyo badeecada hadey hubeeyaan shaqaalaha saaran maraakiibta, taasna waxa kaliya ay xal kadhigeysaa in gudaha dalka looga hortago burcad badeedka.

Chairman of the Joint Chiefs of Staff Admiral Michael Mullen, who also attended the conference, estimated that over a thousand battleships were needed to ward off piracy threats, noting, "I've got a big globe. I don't have 1,000 ships that I can devote to that."

Admiral Michael Mullen, oo ah kan ka ah Chairman-ka Joint Cheifs of Staff oo ka qayb qaatay wadatashigaas, ayaa ku qiyaasay in loo baahan yahay ka badan kun markab ee nuuca dagaalka ah si looga hortago burcadka badda gudaheeda. Waxaana uu yiri, "Baddu waa weyn tahay, mana heysto kun markab aan kula dagaalamo burcadka."

Isla Admiralkaas ayaa sii raaciyay in loo baahanyahay in caalamku si guud uga hortago kooxahan ayagoo dalkaas u keenayaya kala dambeynta loo baahanyahay.

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.