What you may have missed

Wednesday, May 6, 2009

Burcad Badeed Qafaalatay Markab Germalka laga leeyahay


Markab laga leeyahay dalka Germany oo sida 11 shaqaalaha markabkaas ayaa burcad badeed ku qabsadeen agagaarka badda Aden meel ku dhow Soomaaliya, sidaa ayay yiraahdeen ciidamada badda ee midowga yurub.

Markabkan magaciisu yahay MV Victoria, ayaa lulayay calanka dalka Antigua iyo Barbuda waxaana iska leh shirkad laga leeyahay dalka Germany magaceeduna yahay Intersee Group. Markab kaas ayaa burcadku kacanta ku dhigeen shalay galab mar uu sabaynayay 120 Mile waqooyiga dekadda Boosaaso. Markabkan ayaa in laga soo gaaro si badbaado ah la isku dayay balse helicopter ay maraakiibta dagaalka ee xeebta boosaaso ku dhowaa ka soo gaari waayey, sidaa ayay sheegtay midowga yurub.

Markabka MV Victoria ee burcadku la wareegeen shalay ayaa waxaa saarnaa 10,000 metric tons oo ah bariis loo wedey Jeddah, dalka Saudi Arabia, sidaa sidaa soo sheegay kalkaaliye Barnaamijka caawinta Bad-mareenada Bariga Afrika. Sida uu sheegana, shaqaalaha markabkaas wax dhaawac ama dhimasho ma soo gaarin..

Markabkan la qabsaday ayaa hadda ah kii 26 ee sanadaan Burcad badeedku la wareegto, sida ay ciidamada Badda maraykanku cadeeyeen, balse burcad badeedku waxay heystaan 17 markab iyo in ka badan 280 qof.




No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.