What you may have missed

Monday, May 11, 2009

Sh. Shariif oo Ka Hadlay Dagaalada ka Socda Muqdisho

Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magalada Muqdisho ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay dagaaladii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho iyo aragtida dowladiisa ee dagaaladaasi.
Kadib shir jaraa’id oo uu maanta xarunta madaxtooyada xafiiska uu ku leeyahay Madaxweyne Shiikh Shariif ku qabtay ayuu kaga hadlay intiisa badan dagaaladii maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisa ay ku dedaaleysay in dagaalo danbe aysan ka dhicin dalka Soomaaliya isla markaana la joojiyo dhiiga shacabka ee daadanaya.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan sida uu sheegay dad shaqo ka dhigtay in dagaalo habeen iyo maalin ay qaadaan,waxaana uu sheegay in moqifka ugu wanaagsan ee dowladiisa uu yahay sidii loo joojin lahaa dagaalada hada soconaya.

“Een waxaan shacbka Soomaaliyeed u sheegeynaa in dowalada ay ku dedaaleeysay in shacbka Soomaaliyeed laga daayo dhibaatada iyo dagaalada soo laablaabtay,laakiin nasiib daro dad dagaal xirfad ka dhigtay oo aan dowladnimo rabin oo aan ka fikireny maslaxada umadda Soomaaliya ay habeen iyo maalin dagaal la taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Shiikh Shariif.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in mowqifka dowlada uu yahay sidii lagu difaaci lahaa jiritaanka dowlada iyo weliba sidii loo marri lahaa dhabo kasta oo lagu baajin karo dhiiga shacabka ee daadanaya.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa waxaa uu dagaalada ka socda magaalada Muqdisho uu ku sheegay in ay yihiin kuwo loogu adeegayo dowalado shisheeye waxaana uu baaq u diray dhalinta ka soo hor jeeda dowaladiisa.

Ugu danbeeyn waxaa uu madaxwenaha shirkiisa jaraa’id ku sheegay in heshiisyo horudhac ah oo ay la galeen dhinacyada ka soo hor jeeda qaar ka mid ah lagala laabtay.

“Waxaad ogtihiin in mudada ay dowlada jirtay ay ku dedaaleysay wada xaajood in ay la gasho dhinacyada ka soo hor jeeda oo ay ka dhaadhiciso barnaamijkeeda siyaasadeed Nasiib daro dadkii nala gaaray heshis horudhac ah dib ayeey uga laabteen” ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha dowalada kmg Soomaaliya sheikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili Dagaalo galaaftay nolosha dad badan ay maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayeen magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale hadalkiisa uu ku soo aadayaa xili goobo badan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowalada lagala wareegay isla markaana dowlada ay iminka ku kooban tahay meelo cayiman oo magaalada ka mid ah.
Shabelle Media Network


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.