What you may have missed

Monday, May 11, 2009

Video ah Dagaalka ka socda Muqdisho

Dagaalka ka socda Muqdisho ayaa Aljazeero ka soo duubtay videogan. Ugu yaraan 50 qof ayaa ku nafwaayey dagaalkaas sida warbixintan ku cad. Daawo Video-Ga


Fadlan Gaar Bogga Hore - Somali News and Blogs - Somchat.com - Somali News Videos

13 comments:

  1. Sidee u aragtaa dagaalka? amase Maxaa kula talin leheed shacabka Muqdisho ee lagu kor dagaalamayo iyo kooxaha afarta gees madaafiicda ku garaacaya dadka maatada ah? Riix Post Comment oo ra;yigaaga dhiibo. No need to login

    ReplyDelete
  2. waxaan odhan lahaa dadka shacabka ah inay hubkooda qaataan oo iska dhiciyaan Dadka diinta ku qadhaabanaya ee Afka soo duubtay ee intay Maatada madfaca la dhacaan odhanaya ALXAMDULILAH JIHAADKU WAA SOCONAYAA IYO GAALO AYAANU JIHAD KULA JIRRAA..

    haddiii ay diin ku shaqo leeyihiin oo ku dhaqmayan may maqlaan Hay'adda culimada....iska daaye kooxda alshabab waxayba yirahden hayadda culimadu gaalo ayay u adeegayaan..

    ReplyDelete
  3. Diin maaha waxaani ee waa dad uu hagayo gar weynaha ku dhuumaalleysta buuraha iyo godadka ee Sucuudiga u dhashay. Waxay Soomaaliya u arkaan meel la mid ah Ciraaq iyo Afqaanistaan oo ay reer Galbeedka kula gorgortamaan.

    Dadka iyo dalku shaqadood maaha. Waa hub iyo dagaalyahanno soo galiya oo saldhig ka dhigta, dabadeedna, adduunka weerar ku qaada. Waxay keenaysaa taasi inay dalka la wareegaan AQ oo uu noqdo goob dagaal oo adduunkuna ku weeraro hubka ugu culus.

    Waa middaas sababta ay u diidan yihiin dowlad, IWM. Adinna waddan ayaad ka hadlaysaan, iyaguna waxay u jeedaan dhimasho ay moodayaan inay janno ku galayaan.

    ReplyDelete
  4. Ahlusunna WaljamaacaMay 12, 2009 at 11:46 AM

    Bismillaah.
    Waxaa cad in xamar uusan ka socon Dagaal Diimeed ee uu ka socdo Dagaal u dhexeeya dadkii dadka dhibta ku hayay. Shariifka iyo Cumar Xaashi waligood waxay lahaayeen Alqaida Somalia ma joogto, see maanta ku dhihi karaan Alqaida ayaa Somalia Joogta? Kuwa kalena Waa sida Labadaan oo kale oo hadday Xil qabtaan waxay dhahayaan Ciidamada Ajaanibta Caawinaad bay noo yihiin, oo Alqaida iyo Argagixiso ayay la dagaalamaayaan.
    Cajiib. Xalka Somalia waa inuu Maamulka Gacanta u galaa Culimadii Diinta Soomaalia soo wadi jirtay ee Ahlusunna Waljamaaca.
    Kuwa Hadda sheeganaaya inay yihiin Culimada Musaalaxada Diinta ay wataan waa tii ay sheegteen inay Somalia soo gaartay 30 sano ka hor, marka diintaas xal maahane tii hore oo Hirjadii ugu horaysay waddanka soo gaartay aan qabsanno oo Gaws danbeedka ku qabsanno.
    Ahlusunna Waljamaaca

    ReplyDelete
  5. Aaah YAA RABI KUWAA ADAAN KAAGA ASHTAKOONAY! waa abaal laawayaal,waa arxan laawayaal,waa danaystayaal,waa shisheeye kalkaal dhamaantoodba,waxay banaysteen wixii diinteenu xaaraantimeysay!, xabaddiina xaqdarada ah ayaa ka xanuunbadan tii cadowga amxaarada, dadkii shalay biyaha iyo canjeelada idinla daba roorayey ayaad madfac ugu abaal gudeen, hoog ha idiin danbeeyee dadka diinta waad nacsiineysaan, aawey waxqabadkii lagu bartay maxkamadaha?? maxaa shariifka afka iyo adimaha heysta??? shacabka maxaad la hadleysaa markaad madaafiic ku garaacdaan uun??? war shacabka la hadal oo xaal walboo soo kordha la socodsii, maahan shaqo inaad ku koobnaato inta kuugu timaad madaxtooyada oo dantooda u socda.

    Xasan daahir maxaad dalka ugu soo noqotay inaad dagaal ka oogto xamar??? maad nadab wax ku raadisid oo waxgaradka iyo culumada warkooda maqashid, dadka iyo dalku ma adey maxbuus kuu yihiin??? itaqilaah yaa shiikh!!!

    Shabaab kuwa sheeganaya ee gafuurka duubtay waxaan leeyahay waad wareersan tihiin, No 1 dadka diinta ka saaraya waa adinka, ma tuugaa tihiin maxaad u gafuur duuban tihiin oo wajigiina u qarineysaan hadaad wanaag wadaan, waxaad noqoteen burcad wax boobta waxna disha, dalka siinaya cadowga, waayo waxaad wadaan wixii uu cadowgu soomaaliya ugu soo marmarsoon lahaa, war ma ii sheegi kartaan wadan muslima oo aduunka jira oo aad ku tagi karto fiise la'aan la yiraah "MUSLIM BAAN AHAY"?? Maya Ma jiro!, guriga dariskaaga intaad gasho miyaad leedahay waan kula leeyahay waayo muslim baan ahay??? NOOO, war maskaxda ka shaqeeysiiya Allaayahdiikum, walaalkaaga muslimka ah soo dhawee laakiin maahan inuu dadka soomaaliyeed laayo intuu dalkoodii ugu yimaad, ha noqdaan marti sharaf leh, haka shaqeeyaan maslaxada umada islaamka ama hanaga tagaan, isku soo duuboo dhamaantiin waad dhaliilan tihiin, Empagaatina adinkaa ka daran, dadkana waa la leyn dhamaantood dalkana waa la qabsan adinkuna waad la'an bilaamicno, hadaynan is daba qaban inta goorigoor tahay.

    Mahadsanidiin
    wasalaama calaykum wr wb.
    Alaale Soomaal.

    ReplyDelete
  6. dadka mujaahidinta wax ka sheegaya waa dabadhilif mareykanka oo aan diin wax ka ogeen wax garadkoodane uu hooseeya ma waxaad umaleysaan in ay reer galbeedka wadamada musliminta kadagalamayo taasi waxay tusaale itahay dadka wax garadka ah iney arkaan oo dagaalka yahay gaalo iyo muslimin ..
    kan xayawanka ah oo al-shabaab wax ka shaagayo waxaan leeyahay maan gaab baa tahay oo aan xoolaha waxba dhaamin koley hada mujaahidiinta guul ayay soo hoyen daba dhilifiintiina jab baa usugnaaday..

    ReplyDelete
  7. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  10. anugu saan u arko dagaalka waa mid xaq u ah shabaabka iyo xisbul islaam waayo waxay wadaan howshii ay u istaageen shalay markii gumaysigu soo galay dhulka reer soomaali saynu aragnana wali gumaysigii kama uusan bixin wadankooda shacabka soomaaliyeed waa inay qaataan hubka oo la diriraan ajnabiga dalka fadhiya iyo cid waliba oo ilaashanaysa.

    ReplyDelete
  11. A/Caleykum.w.w.Bacda Salaan
    Dagaalkan ka socda Xamar waa Dagaal fidno ah loona baahan yahay in la joojiyo Somalia maaha meel
    dadkeedu kala diin yahay waxaynu nahay Dad isku diin ah weliba isku
    madhab ah Shaafici,
    wey yara jirtaa Qolo Suufiyad la yidhaahdo oo aan ka tirsaneyn
    Madhabtaas oo u dhow waxay sameeyaan Shiicada laakiin iyagana Jaahilnimo ayaa heysa, ee maaha iney yihiin shiico. Waxaan hadalkeyga kusoo koobayaa inaan maqalo Culimadeena Suluxa oo la joojiyo dhiigga macno darrida u daadanaya oo haddaan maant ala joojin waddankeena ka dgigi kara meel ay ku herdamaan quwada kale
    oo aan inaga waxba gacanta inoogu jireyn.
    aan ilaahey ka baqano Dadkaas walaalaha ahna uga nasteexeyno Dagaalka fidnada ah ilaahey Dadkeena haka qaado Dawlad la,aanta hana u dhiso Dawalad Rabbi raali ka yahay oo ku dhaqmaysa Shareecada Islaamka si buuxda Dadkeeda iyo deriskeedana iyo dhamaanba adduunkana kula noolaata nabad.

    ReplyDelete
  12. asc dadka qaska ka wada somali maxey ku dagaal lamaayaan Ajaanib habaxdo Horta diinta maqabtaa qof aan kula dagaalameyn in aad ladagaalanto oo waliba u imaadey dantaada waxaba yaana indhaha la iskatirin oo runta yaa laga ganban ee ilaahey kabaqa oo dadkaan xabad waa kadaaleyn ee joojiya ogaada biri waa aaqiro oo qofwalba camalkiisa ayaa ka horeeya waxaa layiri waxaad jira wax aad leedahey rab iska celi oo aad rabigaa uga fogaaneysid marka isxisaabi inta aan lagu xisaabin

    ReplyDelete
  13. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.