What you may have missed

Sunday, May 31, 2009

Dhalinyaro Dagaal Loosoo Qafaalay oo Dowladdu Soo Fakisay

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Dhalinyaro ay sheegeen in ay u afduubnaayeen Alshabaab si ay u dagaal geliyaan. Shabelle Media Network. Sii Aqri - Daawo Sawiradda
Shabelle: MUQDISHO
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa Maanta  soo bandhigtay Dhalinyaro ay sheegeen in ay u afduubnaayeen Xarakatul shabaab Mujaahidiin .
 
Sida uu saxaafada u sheegay maanta taliyaha ciidamada booliiska dowlada kmg General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid illaa 11-dhalinyaro ah oo uu sheegay in laga soo afduubay gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Buulo Mareer iyo deegaanka Golweyn ayaa ciidamada dowalada waxaa ay ku qabteen Ex Contarol Afgooye.

 

General Cabdi Qeybdiid ayaa ku eedeeyay in dhalinyaradani ay soo afduubeen ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin xili guryahooda ay joogeen sida uu sheegay.

 

Max’ed Cusmaan oo ka mid ah dhalinyarada maanta dowladu soo bandhigtay ayaa isna sheegay in laga soo qabtay degmada Buulo Mareer 4-maalin ka hor isla markaana maanta ciidamada dowaladu ay qabteen xili ay soo galayeen magaalada Muqdisho.

 

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/fataax Ibraahin Shaaweye ayaa isna sheegay in sida uu tilmaamay ninkii hor kacayay dhaliyaradani ay ku dileen ciidamada Ex Contarol Afgooye sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Ma jirto illaa iyo hada cid madax banaan oo xaqiijisay waxa ka jira dhalinyaradani ay dowlada soo bandhigatay iyadoo aysan weli ka hadlin Masuuliyiinta Xarakatul shabaab Mujaahidiin .









No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.