What you may have missed

Tuesday, April 28, 2009

Video ah Markab Ruush Ah oo Burcad Badeedka iska celiyey


Seddex doon oo ay wateen burcad badeed ku hubeysnaa qoryaha AK47-no ay baazuuka-yaal ayaa isku dayey inay la wareegaan Markab Ruushka laga leeyahay badda Indian Ocean meel u jirta 120 Mile Jasiiradda Sokotra ee dalka Yaman ka tirsan. Halkaan Ka Daawo Video-ga
Markabkan oo saaran yihiin 23 Ruushka u dhasay ayaa durbaba, sida wararku sheegeen, burcad badeedku ku fureen xabaddo. Markay isku dayeen inay markabkaas xarigyo ku tuurtaan si ay u koraan ayaa lagu furay biyo daadbadan markabkiina xawaarihii uu ku socday la sii kordhiyey.

Sida warku sheegayo, burcad badeedii ayaa biyaha lagu furay iyo markabkoo cararaya ka rajo dhigay oo iskagaharay.

Markabka NS Commander oo leedahay shirkad Ruush ah loona yaqaan Novoship ayaa qofna ku dhaawacmin. Markabka ayaa lulayay calan Liberian ah kuna sii jeeda dalka Singapore.



No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.