What you may have missed

Wednesday, March 25, 2009

Shil Dhimasho & Dhaawac geystey oo ka dhacey Duleedka Deg. Matabaan


9 Qof ku dhawaad ayaa dhintey 30 meeyo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa soo gaarey ka dib markii Gaari xamuul ah oo ay la socdeen kula Rogmadey meel km-5 dhanka Koonfureen ka xigta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Sii Aqri - Shil Dhimasho iyo daawac....

Waxaa sidoo kale laga baqdin qabaa in khasaaruhu intaa ka sii bato, sababo jira owgood oo ay ka mid yihiin Gurmadka loo fidyey gaariga Qalibmey oo kooban iyo sidoo kale meesha oo Magaalada ka durugsan.

Gaarigu waxa uu sidey Fustooyin waxa uuna rogmadey Aroortii hore ee Saaka sida ay ku warameen qaar ka mid ah Dadka Deegaanka oo Saxaafada la Hadley, waxaana la dhigey dhaawacyadii Isbitaalka Magaalada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud.

Gaariga Xamuulka ah ee rogmey ayaa ka yimid dhanka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxa uuna ku soo jeeday dhanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxa uuna yimid Shilkani ka dib markii Darewalkii wadey Gaariga uu hurdoodey, sidaana uu Gaarigu wadada uga baxey oo khasaarahan dhimashada iyo dhaawaca isugu jira Rogmadashadiisa uu ka dhashey.

Dadkii dhintey ayaa 7 ka mid ah lagu aasay Degmada Matabaan halka labadii kalena lagu aasey isla goobtii uu gaarigu ku qalibmey.

Howl wadeenada Isbitaalka Istarliin ee Guriceel ayaa sheegay inay dhaawacyadii la soo gaarsiiyey u fudiyeen gar-gaar Caafimaad ayna isugu jiraan kuwo culus iyo fudud.

Waxa uuna shilkan qeyb ka yahey kuwa badanaa sidan oo kale u dhaca loona tiiriyo Wadooyinka oo aad u burbursan, Gaadiidka oo si xowli ah Daraweladu u wadaan iyo khibarada Darewalada oo ah mid aad u kooban.

SomaliMirror http://www.somalimirror.com/2009/03/24/shil-dhimasho-dhaawac-geystey-oo-ka-dhacey-duleedka-deg-matabaan/#more-13229

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.