What you may have missed

Wednesday, March 25, 2009

Hotel Soomaali Ku Leedahay Tanzaaniya oo la gubay


Waa Qasaro weyn Hotel-kan Gubtay

Mid kamid ah Hotelada ugu qaalisan ee Soomaalida ku leedahay dalka Tanzaniya, hotelkaasi oo ahaa mid loo dalxiis tago ayaa ku yaalay magaalada Bagamoyo ee waddanka Tanzania. Sii Aqri Hotel Soomaali Ku Leedahay Tanzaa...

Illaa iyo hada waxaan la ogeyn waxa sababay dabka gubay hotelkaasi oo lagu qiyaasay inuu ku fadhiyey in ka badan 110 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.

Dabkan ayaa sidoo kale burbur u geystay Hotel 2aad oo ka agdhawaa oo asaguna uu lahaa nin Soomaali ah.

Ganaciga Soomaalida ee ku dhaqan dalalka Geeska Afrika ayaa ah kuwo si weyn u koray sanadihii lasoo dhaafay ayadoo hotelkan la dhisay 1997dii uu kamid ahaa hotelada ugu caansan ee kuyaal magaalada Tariikhiga ah ee Bagamoyo. Magaalada Bagamoyo ayaa 60km u jirta magaalada Caasimada ah ee Dara Salaam

Horey ayey u jireen dhibaatooyin Ganacsatada Soomaalida kasoo gaarta Ganacsiga ay kuleeyihiin qaar kamid ah dalalka Afrika, wallow aan la ogeyn in dabkan ku gubay hotelka uu ahaa mid si bareer ah loogu shiday xaruntaasi iyo goobihii ka ag


1 comment:

  1. Thanks for share. This is the best site i've read today. you can also check the great content such as
    http://www.bestcouponfor.com/c150/hotel

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.