What you may have missed

Tuesday, March 17, 2009

Hubka Dhig ama Xabsi Gal

Dhaqdhaqaaqa Dowladda Cusub


Waxaa laga mamnuucay ciidamada dowladda inay hub ku dhexsitaan magaallada. Sidaa darteed Taliska Booliska ayaa digniin u diray dadka hubka ku dhex sita gudaha mag. Muqdisho Sii Aqri


Taliska ciidanka booliska oo maanta shir jaraa`id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saarat digniin ku socota cid alle cidii hib ku dhex qaadata gudaha magaalada Muqdisho.

Shir jaraa`idkan oo uu qabtay afhayeenka ciidamada booliska C/laahi Xasan Barrise ayuu ku sheegay in ciidamada dowladda intabadan la xareeyay islamarkaana cidii askari ah oo lagu arkayo iyadoo xiran dareska islamarkaana hub ku dhex sita gudaha magaalada la xiri doono.

Afhayeenka ayaa sheegay in go`aankani uu yimid ka dib amar kasoo baxay ra`iisal wasaaraha Somaliya maalinkii shalay kaasoo ahaa in la xareeyo ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda oo inta badan ku dhex sita hubka muuqda gudaha magaalada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ey ka cabanayeen dadka shacabka ah, waxaana sida afhayeenku uu sheegay ey qaarkood ku dhaqaaqaan falal isugu jira dhac, isbaaro iyo handadaad.

Maalinkii shalay ayaye aheyd markii uu ra`iisal wasaaraha Somaliya ku qabtay shir jaraa`id gudaha magaalada Muqdisho oo uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ey ka mid ihiin amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Calanka.com Article link:http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka27305


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.