What you may have missed

Tuesday, March 17, 2009

Dambiile ama Dambi Laawe

Yaa Dambiilaa?


Wasiirka Garsoorka oo ballan qaaday in maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya in qofkii aan dembi lahayn-na waa la sii deyn doonaa.

Wasiirka Garsoorka oo ballan qaaday in maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya in qofkii aan dembi lahayn la sii deyn doono. Sii Aqri


Talaado, March 17, 2009(HOL): Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqow oo maanta booqday Xabsiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Maxaabiista ku jirta Xabsigaas ay caddaalad heli doonaan.

Shiikh C/raxmaan Jinaqow oo ay booqashada ku wehlinayeen Saraakiisha gacanta ku heysa Xabsiga Dhexe ayaa sheegay in Maxaabiista ku xiran Xabsiga oo muddo dheer Xabsiga isaga jiray ay caddaalad heli doonaan, wuxuuna caddeeyay in Wasiirradda uu madaxda ka yahay oo howshaas qaabilsan ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiista ay caddaalad u heli lahaayeen.

“Maxaabiista qofkii dembi leh Maxkamad ayaa xukumi doonta, qofkii aan dembi lahayn-na waa la sii deyn doonaa”ayuu yiri Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqow.

Wasiirka ayaa sheegay in aaney Shareecada Islaamka qabin in Dad Sharci darro ah xabsi la isaga hayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Wasaaraddiisa ay arrintaas si dhaqso ah wax uga qaban doonto. Dadka ku xiran Xabsiga Dhexe ayaa waxaa intooda badan la soo xiray xiligii Dowladdii TFG-da, xiligaas oo ay jireen dad badan oo dembi la’aan la iska xirayay.

Intaas kadib Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Macallin Cali oo Wasiirka Warbixin ka siinayay Xabsiga ayaa sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo maxkamadeeyo 59 Maxbuus oo ay soo kala xirteen Maxkamadda Gobolka Banaadir, Maxkamadda Degmada Xamarweyne, Maxkamadda Degmada Dharkeenley iyo Maxkamadda Ciidamada.

“Maxaabiistan 59-ka ah midka ugu xarigga dheer wuxuu xiran yahay labo sano, waxayna ku eedeysan yihiin Dembiyo isugu jira Dil, Tuuganimo iyo Caasi-Waalidnimo, marka Md. Wasiir waxaan kaa codsaneynaa in Maxaabiistaas ay helaan Garsoor deg deg ah”ayuu yiri Jen. C/llaahi Macallin Cali.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Article link : http://www.hiiraan.com/news/2009/Mar/wararka_maanta17-6016.htm


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.