What you may have missed

Tuesday, March 17, 2009

Wadahadal dhowaan dhexmaray Alshabaab iyo Ahlu Sunah


Afhayeen u hadlay ururka Ahlu suna waljameeca oo shaaca ka qaaday wadahal ay la galeen mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Islaamiga ah Al shabaab
Mid ka mid ah Afhayeenada urur diimeedka Ahlu sunah waljamaaca oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Soomow oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii ugu horeysay ay qadka telefanka ku wada hadleen isaga iyo afhayeenka xarakada Islaamiga ah ee Al shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

Sheekh Soomow ayaa intaa ku daray in isaga Abuu Mansuur ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii dadka aaminsan dariiqada Suufiyada ee Ahlu sunah waljamaaca loogu ogolaan lahaa in deegaanada ay ka taliyaan xoogag Al Shabaab ay ku qabsadaan xuska Mowliidka NNKH iyo siyaarooyinka mashaa’iqda ku aasan oo horey saraakiil ka tirsan Al shabaab kuna sugan gobolada dalka qaarkood ay u mamnuuceen in lagu qabto deegaanada ay maamuladoodu ka jiraan.

“Abuu Mansuur runtii si aad ah ayuu nooga tacsiyeeyey dhibaatada ka timid Xuska Mowliidka iyo siyaarooyinka, wuxuuna muujiyey sida uu uga xun yahay in la diido arimahaas, wuxuuna ii sheegay in uusan jirin go’aan rasmni oo xoogaga Al Shabaab ay ku gaareen in la mamnuuco xuska Mowlidka iyo siyaarooyinka, wuxuuna sheegay meelo ka mid ah gobolada bay iyo Bakool in lagu qabtay xuska Mowliidka, arimaha lagu diidayna ay yihiin go’aano ay si iskood ah qaateen qaar ka mid ah maamulada gobolada iyo degmooyinna ee al shabaab, wuxuuna ii xaqiijiyey in si deg deg ah wax looga qaban doono cabashooyinkooda, wixii hadda ka dambeeyana aan u fasaxanahay siyaarooyinka iyo Mowliidka inaan ku sameysan karno meel walba oo ka mid ah meelaha ay joogaan” ayuu yir Sheekh C/qaadir Soomow oo dhinaca kale sheegay in ururka Ahlu suna waljameeca aysan wax lug ah ku laheyn dagaaladii dhowaan ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.


Hadalka ka soo baxay Mid ka mid ah Afhayeenada urur diimeedka Ahlu sunah waljamaaca oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Soomow ee ah in xoogaga Al Shabaab ay u fasaxeen in deegaanada ay joogaan lagu qabto siyaarooyinka iyo Xuska Mowliidka NNKH ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan maamulada Al Shabaab ee gobolada qaarkood ay mamnuuceen in la qabto siyaarooyinka iyo Xuska NNKH, mana jiro war hadaladan beeninaya ama xaqiijinaya oo ka soo baxay mas’uuliiyinta xarakada islaamiga ah ee al Shabaab..

Dayniile.com Link http://www.dayniile.com/March2009/17March5.htm

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.