Nin ka mid ahaa ganacsatada yar yare e suuqa bakaarahaee magaalada Muqdisho lana yiraahdo Omar Warsame Addow, ayaa la sheegay ineey ku raadjoogaan kooxda Al shabaab ee ka talisa inta badan koofurta soomaaliya .Omar warsame ayaa la sheegay inuu ku lahaa bakhaar aad u yar oo uu qutulyoonka ilmihiisa ka raadsan jiray suuqa bakaaraha, hase ahaatee waxaa dhacday in dhawr jeer aay kooxda al shabaab weeydiiyeen inuu bixiyo lacago uusan awoodin, oo uusanba bakhaarka soo saarin, markii uu ku yiri lacagtaa ma heli karana , waxaa dhacday in Omar Warsame lagu riday xukun ah in qoorta laga jaro ,iyaga oo ku eedeeyey inuu kazoo horjeedo jihaadka iyo halganka aay ku jiraan al shabaab, sida uu sheegay nin ka mid ah ganacsatada suuqa bakaaraha oo codsaday inaan magaciisa la sheegin . Ninkaa ganacsatada ah ayaa sheegay in isaga iyo rag kale oo ka mid ah ganacsatada suuqa bakaaraha aay isugu dareen waxoogaa kharash ah Omar warsame si uu wadanka uga baxsado. Omar warsame ayaa la sheegay haatan inuu ka cararay magaalada Muqdisho, mudo bil ku dhaw ka hor, waxaana si aad ah u baadi goobaya Kooxda Al Shabaab, oo sida la sheegay ku riday xukun qoorgoyn ah.
Dhanka kale waxaa iyana la sheegay in qoyskii Omar Warsame ee xaaskiisa iyo ilmahiisa aay dhuumasho ku jiraan, iyaga oo ka baqanaya in hadii la ogaado laga yaabo in iyagana qoorta laga jaro.
Qaar ka mid ah ehelada Omar Warame oo lala xiriiray ayaa sheegay ineey aad uga walaacsan yihiin xaalada iyo meesha uu ku danbeeyey Omar Warsame , oo la aaminsan yahay inuu u cararay wadamada deriska la ah Soomaalia midkood.
Dadka yaqaanay Omar Warsame ayaa sheegaya inuu ahaa nin aan la dhacsaneyn habka iyo nidaamka aay Al Shabaab ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada suuqa bakaaraha.
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
OOPS! - Attention Visitor - You Just Missed a new update
Please visit the Somchat.tk Front Page at least once! We promise! you will not be disappointed. Blog DirectoryWhat you may have missed
-
Album Heesaha Cusub ee Farxiyo Fiska 2011 iyo kuwa kale oo Videoya Leh ---- Waxaan Heesahan Soo gelineynay bogga Dhageyso Heesaha ee Somchat...
-
Dhageyso Heestan Ku Saabsan Dastuurka Cusub ee DKMG-da Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat Dhage...
-
SU'AALO & JAWAABO DIINI AH DIINTU WAA NASEEXO cilmi qaadasho Waa kanaa video-ga diiniga ah ee dhageyso su'aalaha. Fadlan waxii ...
-
Farxiyo Fiska waa fanaanad aad u cod macaan oo dhamaan dadka fanka xiiseeya ay amaanaan. Gabaddhan ayaa ah mid had iyo jeer soo saarta hees...
-
Heesaha Macaan Soomaalida dibadaha ku nool ayaa aad iyo aad u dhex galay dadkii reer galbeedka iyagoo isku taxaluja sida ay dhaqankooda u dh...
-
Gabartan 17 jir ah waa gabar degan magaalada London ee dalka Ingiriiska ahna gabar Soomaali ah. Sida ay sheegtay, waxay fanka kusoo biirtay...
-
Ma taqaan Mataano? Labo gabdhood oo ka yimid dalkeena ayaa cabsi geliyay suuqleyda ka shaqeysato soo saaridda dharka dumarka. Maxaa keenay?...
-
Over three days in a London studio, Keane and K'NAN created the hit "Stop For A Minute". The track is taking off in the UK, cl...
-
Fanaanadda Caanka ah ee sanadka 2010-2011 Farxiyo (farhia) Fiska oo Qaaday hees cusub la magac baxday 'DHAG DHAG' ayaad ka dhageysa...
-
Qoraagii heestii Qaylo Dhaan magaciisu ahaa Cabdi Shire Jaamac ayaa mar kale qoray hees wadani ah oo uu u bixiyay Kawaankii dadka. Kawaanki...
Friday, April 9, 2010
Thursday, April 8, 2010
Munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan Maamulkii hore ee dekada Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Cusub ee dowlada KMG dhawaan ay u magacowday dekada Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ka dhacdey gudaha dekada Magaalada Muqdisho.
Xaflada Xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Dekedaha C/casiis Maxamed, Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida ayaa waxaa halkaas xilka ku kala wareegay Maareeyaha cusub iyo Maareeyihii hore.
Munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan Maamulkii hore ee dekada Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Cusub ee dowlada KMG dhawaan ay u magacowday dekada Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ka dhacdey gudaha dekada Magaalada Muqdisho.
XOOG MAAHA XIL WAREEJINTAAN XASAN IYO CABDINA WAA IS XIGAAN
Xaflada Xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Dekedaha C/casiis Maxamed, Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida ayaa waxaa halkaas xilka ku kala wareegay Maareeyaha cusub iyo Maareeyihii hore.
Maareeyahay cusb ee dekada magaalada Muqdisho Xasan Macalin Cali iyo mareeyihiihore C/Jinoow Calasoow ayaa xaflada waxa ay isku dhaafsadeen dukuments ay kala saxiixdeen.
Cabdi Jiinow Calasow oo ka hadlay Munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xilka ka qaadista lagu sameeyay, waxaan uu tilmaamay inuu la shaqeyn doono Maareeyaha cusub.
Shaqaal laha ee Dekada Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ayaa kor u qaatay maareeyihii hore ee dekada magaalada Muqdisho C/jiinoow ka dib marii uu ku dhwaaqay in uu xilka wareejiyyey
Xili C/jinoo Waxa uuna qaar ka mid ah shaqaladah degakad ee uu gacan qaday u sheegay in uu la shqeeyndoona
Xasan Macalin Cali oo ah maareeyaha cusub Dekada magaalada Muqdisho ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ayaa wuxuu sheegay in uu si daacad ah u gudan doono waajibkiisa shaqo,
Maalin ka hor ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Jiinow Calasow, oo tan iyo sanadkii 2007-dii xilkaas haayay, kadib markii ay magacowday Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi uu madaxda ka ahaa
Muuse Maxamuud Jiisow
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Subscribe to:
Posts (Atom)
