What you may have missed

Friday, June 19, 2009

Faah faahin dagaalka Muqdisho ee labadii beri lasoo dhaafay

Faah faahin Dagaalka Muqdisho ah oo laga soo daayay tv-ga Aljazeera. Waxaa ka dhex maqli kartaa madaafiicda la isku garaacayo adigoo arkaya hubka nuucyadiisa kala duwan ee lagu laaynayo shacabka reer Muqdisho. Aan is weydiinee, saanu ma noo xalbaa?



Fadeexo ku Cadaatay WFP oo iibsatay Caawinaadii Qaxootiga

Markaan dhowaan maqalnay in la iibinayo cuntadii caawinaadda ahayd oo dadka u baahan loo keenay, ayaan badankeen u maleeynay in dadkana gedaya cuntada yihiin kooxo xoog kula soo wareegay oo kadibna suuqa geynaya. Balse, waxaa video-gan ka cad inay WFP-da nafteedu tahay kuwa gediya cuntadaas. Masaakiinta qaxootiga Soomaalida ah dhinac kasta ayaa laga soo galey oo xataa dadkii waan caawinaynaa kusoo xareynayay caawinaadda ayaaba dhacaya. Channal4 News ayaa soo diyaarisay barnaamijkan waana mid fadeexeeyay WFP qaybta Soomaaliya ka shaqaysa.


Cuntada la iibsanayo ayaa ah mid ay u baahanyihiin 400,000 oo qaxooti ah. In kastoo cuntada suuqyada lagu gedayo, dadka barakacsan maba heystaan waxay iyagu karsadaan. Waxaad video-gan ka arki kartaa dad karsanaya caleemo si cunto ahaan ah u karsanaya. Balse, dad Soomaali isku sheegaya ayaa dadkaas dhibka heysta ka faa'iidaysanaya.
Xujada ay WFP dadkoodu ku murmayaan ayaa ah inay lacagta ay ku iibiyaan cuntada qaarkeed ku bixiyaan ilaalada cuntada caawinaada ah. Balse taasi waa been, maxaa yeelay, soo ma aha inay hadii ay jirto arrintaas soo ma ahayn inay sharciyeeyaan oo ay ka dhigaan wax policy ah, si lacago gaar ah ooo arintaas quseeya loo siiyo.