What you may have missed

Friday, April 1, 2011

Jaceylka.com oo Sheegay In Farxiyo Fiska Tuugo Tahay - Ma Runbaa?

Hadaan nahay bahda Somchat.tk waxaan rabnaa inaan halkaan kaga helino fanaanadda caanka ah ee ku magacdheer Fiska taasoo dhowaan dadka xiiseeya funka iyo suugaanta u sameysay hees ay ku raaxeystaan oo ay u bixisay Dhamac Jaceyl balse kusii magac dheer Dhag-dhag. Heestaas dad badani warkeeda ayay hayaan iyadoo aad looga faaloodo taasoo keentay in websiteyo badani Farxiyo Fiska heesteedaas so dhejiyeen.

Balse qofkastaa oo la jecelyahay waxaa jira dad aan ku faraxsaneen oo iska daya inay sharafta ka qaadaan. Websiteka Jaceylka.com ayaa dhowaan isku dayday inay ku shitaan Fiska iyagoo ku eedeeyay inay soo xaday heesta DHag Dhag. Arinkaasi ma ah mid run ah.

Dhalinyar la xiriirta soo tafatirida iyo bandhigidda Somchat.tk ayaa si toos ah ula xiriiray dad aad ugu dhow dhow Farxiyo Fiska iyagoo si cad noogu sheegay in heesta Dhag Dhag loo sameeyay Farxiyo Fiska sidaana ay ku qaadday heesta oo codkeeda macaan ku soo bandhigtay.

Sidaa darteed waxaan u sheegeynaa in dadka aqristayaasha iyo weliba kuwa daneeya fanka iyo suugaanta sida heesa aanan loo sheegin beenta iyo been abuurka. Jacelka.com ayaa soo daabacda qoraalkan hoos ku qoran.



Ma Runbaa in Heesta “Wadnaha ayaa I Dhag leh” uu Jooqle si Qarsoodi ah u siiyay Farxiyo Fiska,

Maxaad ka taqaan Heesta “ Wadnaha ayaa I dhag leh“ ee ay Qaado Fanaanada Sanadahaan Laga Daba dhacay ee Farxiyo Fiska.

Heestaasi ayaa La sheegaa in Markii Hore Loogu Talao galay Fanaanada Aamina Sindiko Balse si Lama Filaan ah ay ku Heshay Farxiyo Fiska Kadibna ay Heesta Soo Qaaday.

Hadaba Aqristayaasheena Sharafta lahow Dhowaan ayaan idiin soo Bandhigi doonaa Heestaasi Cidii Loogu talogalay, Ereyada Abwaankii Sameeyay iyo Qaabka ay Farxiyo Fiska Kusoo Qaaday Heesta oo Noqotay Heesta Loogu Jecelyahay Sanada 2011.

Webka Arimaha Bulshada Ka Faalooda ee www.somchat.tk ayaa Wada Baaritaan ku Saabsan Arintaasi, Dhowaan ayaana idiin soo Badhigi Doonaa Hadii Rabi Raali Ka Noqdo.

Fadlan waxaad ka qabto hoos ku soo qor adigana si aan ugu sheegno dadkaas inay beenta iska joojiyaan.


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.