What you may have missed

Wednesday, March 30, 2011

Farxiyo Fiska oo La Sheegay Inay Xadday Heesta Damac Jaceyl - Dhag Dhag

Farxiyo Fiska ayaa aad u sii caan baxaysa maalinba maalinka kasii dambeysa. Waxaad moodaa in warkeeda uusan ka dhamaan website-yada wararka iyo kuwa maaweelada sida website-ka Jaceylka.com, Geesguud.com iyo kuwa kale oo bogoggooda hore aad ka arki karto sawiradda Farxiyo.

Fiska ayaa bilawgii sanadkan 2011 soo saartay heesta Dhag-Dhag (Damac Jaceyl) heestaas oo aad ay ula dhacayn dad farabadan oo xiiseeya heesaha cusub siiba kuwa Jaceylka. Farxiyo ayaa sidaa darteed sii noqoneysa gabadha dad badani si xiiso leh u daawadaan video-yada ay soo saarto.

Heesta Dhag-Dhag ayaa, hase ahaatee, aheyn mid sida la sheegay ay soo aliftay Farxiy Fiska. Waxaa sida Jacelka.com soo sheegtay - Aqriso Ma runbaa in Farxiyo Fiska Loo soo Xaday Heesta Dhag Dhag ayaa Cabdi Shire Joogle (waa alifaaga Baroordhiiq) usoo xaday qoraalka heesta Dhag Dhag oo ay aad isugu fiican yahiin. Heestan ayaa markii hore loo qoray inay qaado gabar la yiraahdo Aamina Sindiko.


Saxarla - Farxiyo Fiska - Dhageysi

Dhageysto heesta cusub ee Saxarlaay - Waad ilmoon gabadhan codkeeda macaankiisa.



Su'aasha waa, heestan hadii loo soo xaday Farxiyo maxaa ku kalifay inay qaado. Si kastaba, gabadhan codkeeda uma baahno heeso si xatooyo ah lagu helay balse hadii ay erayo iska qor qorto oo ay ku luuqeyso waaba lala wada dhacayaa ee marka.

Gayaan by Fiska iyo Qoomaal