What you may have missed

Sunday, June 6, 2010

Yaa Ka Dambeeyay Shirqoolkii Lagu Xiray Qunsulka Safaarada Soomaalida Ee Dalka Suuriya


(Diplomaasi Maxamed (Hurdaaye)oo la-sheegay inuu shirqoolay Adeerkiis oo Sii-haye ka-ah Safaarada Soomaalida ee Dalka Suuriya)

Qunsulkii Dawlada Soomaalida ee Dalka Suuriya Diplomaasi Maxamed Xasan Muuse Tareey (Hurdaaye)oo 20-beri ka-hor lagu xiray Magaalada Beirut ee caasimadda Dalka Lubnaan ayaa la filayaa in maxkamad la-saaro maanta oo Jimco ah taarikhduna ku-beegan-tahay 4-06-2010


Diplomaasiga ayaa gacanta lagu-dhigay xili uu doonayey inuu Qaad ka soo dejiyo Magaalada Bayruut,kadibna si qarsoodi ah ku soo geliyo Dalka Suuriya.

Qunsulka ayaa muddo 7-bilood ah Gaariga Safaarada ku soo gudbin-jiray Qaadka uu ka keeno magaalada Beyruut, tan iyo xiligii Garoomada Suuriya laga mamnuucay Qaadkii ay London ka keeni-jireen,kolka uu Dimishiq soo geliyana waxaa lagula heshiin-jiray inuu laaluush ahaan u-qaato isaga iyo Safaaraada Suuriya 30-xabbo oo Marduuf ah.

Xaaska Diplomaasiga Marwo Aamino Meygaag oo ku-sugan xaafada Madcamiyah ee Magaalada Dimishiq ayaa ku andacooneysa in odeygeeda uu shirqool u-dhigay Sii-hayaha Safaaraada Suuriya Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)oo adeer laxmi u ah Qunsulka lagu xiray Magaalada Beiruut,kadib markii rag Lubnaaniis ah oo uu laaluush siiyay ay Gaarigiisa dhex-dhigeen Daroogada loo-yaqaan Xashiishka oo mamnuuc ka ah Dalka Lubnaan,kolkii Qaadka la qabtayna waxaa kursigii uu ku fadhiyay hoostiisa laga helay Xashiis lagu qiyaasay nus-kiilo iyo Qaad tiradiisa lagu sheegay 150-kiilo

Aamino ayaa sheegtay in dagaalka odeygeeda iyo Sii-hayaha Safaraada ay bilaabatay muddo laga-joogo 6-sanno ,geeridii Alaha u-naxariistee Marxuumkii Safaarada laga dhaxlay ee Ex-Ambassador Xasan Muuse Tareey intii uusan dhiman uu warqad ka soo saxiixday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad,inuu u magacaabo Sii-hayaha Safaarada Soomaalida ee Dalka Suuriya,kadibna kolkii loo magacaabay xilka wuxuu bilaabay inuu na colaadiyo aniga iyo odeygeyga ilaa aan go'aan ku-gaarnay muddo laga joogo 4-bil inaan ka guurno dhismihii Safaarada ee ku-yaalay Xaafada Mazah,waxaana u guurnay ayey tiri guri uu ka geeriyooday Marxuumka Safaarada laga-dhaxlay oo ku-yaal Xaafada (Madcamiyah)iyadoo xustay in odeygeeda aan lagu xirin Qaad,balse gaarigiisana loo geliyay Daroogada loo-yaqaan Xashiishad.

Waxaa xusid Mudan in dhaq-dhaqaaqii Safaarada Soomaalida ee Suuriya uu hakad ku-yimid muddo 7-bilood ah,iyadoo hada ay xabsiyada ku-jiraan Manduubkii Safaraada Dipolomaasi-sare C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamuud (Dr-Barqiye)oo ku-xiran Magaalada Dimishiq,halka Qunsulkiina uu ku xiran-yahay xabsi-ku-yaal Magaalada Beirut,kadib markuu uu shirqooiay Adeerkiis Sii-hayaha Safaarada Soomalida ee Suuriya Maxamuud Muuse Tareey (Gacmo-Gaab)waxaana sidoo kale ciidamada Sirdoonka ee Suuriya ee loo-yaqaan (Amni-Siyaasi)ay amar-ku-bixiyeen in la xirayo qofkii ka-tirsan Safaraada Soomaalida ee Suuriya ee lagu arko Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dimishiq.


Xigasho http://www.shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=1406:yaa-ka-dambeeyay-shirqoolkii-lagu-xiray-qunsulka-safaarada-soomaalida-ee-dalka-suuriya-diplomaasi-maxamed-xasan-muuse-tareey-hurdaayexog-rasmi-ah-oo-la-helay&catid=1:warka&Itemid=2
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat