What you may have missed

Sunday, June 6, 2010

Warbixin: Scarf Magazine - London England Ku saabsan

alt
26 dii bisha May waxaa xarunta Free Word oo ku taal magaalada London lagu qabtey munaasabad daah-fur ah oo lagu soo bandhigayey majallad (magazine) cusub oo ka hadasha arrimaha fanka, farshaxanka iyo dhaqanka.
alt

Majalladdaan oo lagu magacaabo SCARF magazine ama afka Somaaliga lagu yiraahdo GANBO ayaa cadadkii koobaad oo USB ah lagu soo bandhigay goob ay iskugu yimaadeen dad Soomaali iyo ajnabi iskugu jirey isla markaana ay ka war bixisay sababaha loo sameeyey magazine ka tifaftiraha magazine ka Kinsi Abdulleh oo ah madaxa ururka Fanka iyo Farshaxanka GOODIR ama loo yaqaan KUDU Arts oo ah ururka soo saaray magazine ka.

Kinsi ayaa faahfaahisay baahida keentay in la soo saaro magazine noocaan ah kuna tilmaantay in uu horseed u yahay in dhinaca wanaagsan ee Soomaalida la baro dadyoowga ay Soomaalidu la nool yihiin, lana muujiyo in dadka Soomaalida ah ay ka buuxaan dad badan oo wax soo saar leh.
--
alt

--
Munaasabaddan daah-furka ayaa waxaa marti ku ahaa qoraaga caan baxay Nuuradiin Faarax oo safar dheer usoo galay sida uu uga qeyb gali lahaa munaasabadda daah-furkan isagoo ku tilmaamay hindise farax galiyay oo mudan in uu wakhti siiyo.

Dhamaadkii munaasabaddaa ayay dadkii kasoo qeyb galay daah-furka magazine ka ku tilmaameen fikrad aad u wanaagsan in lasoo saaro magazine ku dhex jira USB oo ay ku sheegeen wax aad loosoo dhaweeyo in maanta ay dadka Soomaalida ah la jaan-qaadayaan adduunka horumaray iyo tiknolojiyada casriga ah.

Qaar ka mid ah kasoo qeyb galeyaasha munaasabadda daah-furka ayaa iigu warramay in ay aad u jeclaadeen qoraalada majalladda iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin, waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay iibsadaan majallad sidaan u qiimo badan.

Sidoo kale ayaa 1da bishan June waxaa munaasabad kale oo dib loogu daah-furayey kulanka ama shirka walaalaha ( Sister Cercle) oo ka mid ah hawlaha uu qabto ururka Fanka iyo Farshanxanka GOODIR ayaa lagu iibiyay magazine ka oo daabacan.
alt
alt
SCARF waa magazine casri ah oo soo bixi doonaa sannadkii laba jeer waxaana la sugayaa cadadkiisa labaad bisha septemper sanadkan isagoo daabacan iyo isagoo USB ku jira intaba.

Haddii aad doonayso warbixin ku saabsan magazine ka ama inaad iibsato booqo haddii kale la xiriir ;Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat