What you may have missed

Tuesday, May 18, 2010

Sharif Topaz VS Adam Black - Sportiga

Is reeb reebka kooxaaha Soomaalida ee ka socda casimada Soomaliya ayaa ahaay kuwa lagu jaahwareersanaa cida u soo bixi doonata finalka ciyaarta.


Labada kooxood ee ay cayaartu dhex martay  ayaa  ahaa laba kooxood oo aan kala dhicin oo ay marwalba ciyaartoodu ku dhamaan jiratay  0 iyo 0 marka laga reebo hal ciyaar oo horay uu ugu guulaysatay laacibka weyn ee Black. 


Labadan kooxood ayaa waxa ay soo kala xusheen laba laacib oo aan kala dhicin. Labada laacib ayaa waxa ay kala ahaayeen Sharif Topaz in oo ahaa ciyaaryahanka u qaalisanaa kooxda waqooyig Bay kuna xeeldheeraa wacyi galinta ciyaartooyda hadba kooxda uu u ciyaaro  halka  kooxda kalana ay keensadeen laacib hore oo magaciisa layiraa Mr Black oo isna caan ka ahaa koofurta Bay. Cayaarta  ayaa maalinimadii shalay ka dhacday barxada garoonka madaxtooyada. Garsoorahu waa Mr  Sharif Rooseeto. 


Calanhaye koowaad waa Mr Biggy. Markii ay labada kooxood soo galeen garoonka durba waxaa bilawday sawaxan iyo buuq. Qeeybtii hore ayaa la is mari waayay hase ahaatee qaybtii labaad ee cayaarta ayaa noqotay mid xiiso badan waxaana gool qurux badan dhaliyay laacibka Sharif Topaz. 


Waxaa durba niyad jab ku dhacay kooxda kale iyagoo laacibka Balck kuna calaacalay in kooxdiisu kala daadsanaeyd qeybtii hore ee cayaarta halkaasna waxaa foowdo ka bilabay kooxdii Black. Waxaa islamarkiiba soo kala dhex galay  Garsoore Rooseeto oo isagoo u sheegay labada kooxood in cayaartii dhamaatay dibna la isagu soo laaban doono maadaama ciyaarta la foowdeeyay. 


Hase ahaatee calan haye Biggy ayaa ka biyo diiday una sheegay garsoore Rooseeto in cayaartu halkeeda kasii socon doonto. Hada cayaartu waxa ay mareeysaa 1 iyo 0 oo uu hogaaminayo Shariif Topaz waa laacibka qaaligaae. 


Mar cayartan wax laga weeydiiyay FIFA waxa ay sheegeen in Mr Rooseeto ku saxsanaa in uu banado cayaarta. Calanhaye Biggy ku adkeeystay in cayaartu halkeedii kasii socon doonto. Calan haye Biggy waxa uu sheegay in aanu garsoore Rooseeto cayaarta banadi karin maadaama uusan waafajin xeerka cayaartooyda aduunka ee FIFA. Daawadayaan aanu sugno  daqiiqadaha ka harsan cayaarta. 


Waxaanu sugnaa waa gabagabada ciyaarta iyo cida ku guleysan doonta ciyaarta