What you may have missed

Saturday, May 15, 2010

Hawo badanaa dhalinyarteena maanta. Abdi vs Young B.

Dhalin yarta soomaaliyeed waxay had iyo jeer isku dayaan inay ku milmaan dadka ay dhex degan yihiin. Waxay badankood iska doon doonaan waxyaabo aysan ku howl lahayn iyagoo mar mar soo dhoweeya qaabkii howlahaas lagu yaqaanay oo aan laga garan karin dadkii ay matalayeen.



Waxaad mararka qaar arkeysaa dhalinyar rapka isku dhibeysa, marar kale waxaa laga yaabaa inay kalaabyada uga horeeyaan dhalinyarta cadaanka ama midowga waalidkoodu kalaab isku dhex barteen, qaarkoodna uurkooda lagu qaaday. Kasii daran, Soomaali badan ayaa is leysa oo gaangistaro ah, sida kuwa Alberta, Canada isku laayay oo tobaneeyo iska dilay.

Waxaase ugu daran, qofku hadii oow howl uusan u dhalan isku taxalujiyo inuu hunguri ka raadiyo, waxaa fiican inuu ugu yaraan qofku ka muuqdo meeshii howshaas lagu hayo. Hadii kale halkaanna ma joogo xagana ma gaarin oo meel dhexe ayuu ku dhumay. (Hadii aad iga sugeyso wax murti ah, maahmaah ku haboon iisoo sheeg.)

Waxaan rabaa inaan ku tuso xaalada qaar caruurteenu ku jiraan. Wiilkan la magac baxay Young B oo isku sheega Rapper waxa uu isku dayayaa inuu hees English ah rap ku qaado.

Erayada uu ku rap-gareeynayo waxaa ka mid ah.

wha?
wada ..fa you saying..
yow yow geda fa outa heee ya
wasab maaaan, wasab maaan,
because i make it hoooot, because i make it hooot,
no matter weeya
no maata weeya
a five foot soomaali ya

Marka kore, sida aad ka arkeyso erayada uu ku heesayo, waxaa dareemi kartaa in qofkani dhiman yahay oo wax si ka yihiin. Maxaa haya?

Wiilka, waa Young B ye, waa fanaan soo baxaya oo isku taxalujinaya inuu heer ka gaaro rapka. Marka meel uu wax ka bilaabo uu la'yahay. Waxaa laga yaabaa inuusan ingiriiskaba ku hadal ee hadda ku jiro grade 9 ESL class maadaama hadda ka yimid kismaayo, ama ceelasha biyaha, oo U.N-tu keentay. Marka, inuu qoro wax lagu heeso oo macno ku fadhiya waa ka maqantahay oo weli ma fahmin inaadan iska heesi karin hadii aadan aqoon erayo isku aad aadan oo laxni leh.




Young B, waxaan rajeynayaa in sanad markaad saan ku sii socoto aad xirfad u yeelan doonto Rapka oo aadan u dhawaaqin sidii dameer mudac lagu muday oo KHA KHA laga siiyay.

Dhanka kale, waxaa jira wiil la yiraahdo Cabdi oo isna RAP ku howlan oo video-giisa soo geliyay youtube-ka (SI AAN tusaale ahaan u isticmaalo) Heestan la yiraahdo, 'Rap with a Cause' waa mid uu ku fara yareesano. Hadii aad ka mid tahay dhalin yarta dhageysata music-ga nuucaan ah, daqiiqadda ugu horeysa ee heesta waxaad fahmi kartaa inuu Cabdi la tartami karo fanaaniinta iibisa Albumada Rapka. Balse, sida uu heesta uu ku sheegayo, waxa ay ka tahay hobby oo uma jeedo inuu isku howliyo. Waakan video-ga heestaas.



Sababta aan isu bar bardhigayo Abdi iyo 'YOUNG B' waa inaan ku tuso heerka ay kala marsan yihiin labada wiil. Mid wuxuu isku dayayaa inuu sidii gaangiistar u heeso oo waa keeni la'yahay. Midna isagoo si ciyaar ciyaar ah ugu taag taagsanaya ayuu la tirsan karaa dad shaqadoodu tahay inay rap lacag ku cunaan. Marka, hadii aadan xirfad u lahayn, ha isku dayin waxii aadan haweysan karin.Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat