What you may have missed

Sunday, May 16, 2010

Bastooladda Ha Iisoo Dhoweyn: Aadan Madoobe


Ayaan waxaan xasuustaa in waagii dowladdii C/laahi Yuusuf horboodayay TFG-dii oo raggii baarlamaan ahaan u ahaa ay ku shiri jireen wadamada deriska Soomaaliya la ah ay ayaan isku dagaaleen gogoshii ay baarlamaan ahaan isugu imaan jireen taasoo ka dhacday Kharduum Sudan. Video-gaas meel kastaa ayaad ka heli kartaa.




Marka, shalay ayaa waxaa madoobo oo furaya xarunta golaha shacabka uu u sheegay saxaafadda in aan loo ogolaaneyn xildhibaanada baarlamaanka inay la soo galaan gudaha golaha bastoolado. Sidoo kale moobeeladana lama ogola in lagu dhex daaro meesha shirka ka socdo iyadoo xataa baabuurta banaanka lagu soo barkinayo.

Marka su'aashu waa, maxaa keenay in nin xildhibaan ah uu wato bastoolad? Yuu iskaga difaacayaa? Hadii uu isleeyahay isku difaac oo nafta ku ilaasho, waayo qofka uu bastoolad wax uga qaadayo oo soo weeraraya. Waa lawada ogsoon yahay hadii qof inuu xamar kugu toogto rabo, ma heleysid fursad aad ku soo saarato bastoolad. Tan kale, waxaaba lagugu soo weerarayaa qorka darandooriga u dhaca sida aakaha ama m16ka iwm. Marka bastooladu wax kaa dhicin meyso.

Hadiise ay ku faraxsanyihiin, naftu waa muhiime, inay wataan bastoolad oo geesinimo ay ka helayaan, waxaa haboon inaysan meelaha qaarkood marka ay joogaan aanaysan jeebka ugu jirin wax hub ah. Waa taqaan baarlamaan. Waxa laysugu yimaado waa dood iyo in la isla fahmo arrimaha ku soo kordha sharciga. Mararka qaarna doodu faraha ayay ka baxdaa. Marka yaa la doodi kara qof isagu sita bastoolad oo hadii warkaaga uu u begi waayo qabriga kuu diraya.

Nin hubeysan dood maba galo. Aadan Madoobe waa laga yaabaa inuu markii hore iska ogolaan jiray in xildhibaanada qaar ay soo horfadhiistaan iyagoo hubeysan. Hase yeeshee xaalku sidii hore maaha. Madoobe kursiga dad baa maanta ku heysta, kuwaasoo u badan yihiin dad ay isku jufo yihiin, sida wararku sheegayaan. Balse, hadii dhii'du gaarto sheekada, iskuma hubo qof hubeysan inuu dood la soo hor istaago.

Waa kanaa Video-ga Aaadan Madoobe oo xildhibaanada u sheegaya inay ka soo tagaan bastooladaha si nabadana uga soo qeyb galaan shirarka Baarlamaanka (waaba hadii uu dhacayee)

Halkaan ka daawo - http://www.waatv.com//0/video/somalia/fNzihyaPNwM.html

Waxaad joogtaa -
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat