What you may have missed

Monday, April 12, 2010

Xafladii Qalin Jabinta iyo Shahaado Bixinta Al-Abaadir School, Nairobi - Sawirro Xul ah

Dalkanews.com -  Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey ardey ka qalin jabineysa qeybaha waxbarasho iskuulka Al-Abaadir ee magaalada Nairobi ayaa maanta lagu qabtay hotelka Carmel .
 
Xaflada oo aheyd mid aad looga soo shaqeeyey heerkeeda qabanqaabadana uu dhameystirnaa ayuu maamulka Al-Abaadir marka hore waxa uu ku soo bandhigay waxyaabaha iskuulka laga barto iyo maadooyin cusub oo ay ku soo kordhiyeen iyo sidoo kale sida Soomalida Nairobi ay uga faa'ideysteen barnaamijyada iskuulka.
 
Ustaad Abdikadir Abdalla Tohow oo ah maamulka guud ee iskuulka Al-Abaadir Kenya ayaa xafladii qiimaha laheyd ku furay khudbad dheer oo uu kaga hadlay marxaladihi uu soo maray iskuulka iyo sida uu horumarka u sameeyey , waxuuna sheegay in Al-
Abaadir la furay sanadkii 1996 xiligaas oo laga hirgaliyey xaruntiisi ugu horeysay xaafada Xamar-Jadiid ee magaalada Muqdisho.
 
Ustaad Tohow waxaa uu khudbadiisa ku sheegay tan iyo xiligaas in ardey Soomaliyeed ay ka aflaxayeen iskuulka ayagoo baranayey maadooyin ay ugu horeysay maadada Ingiriiska oo uu iskuulku caan ku ahaa.
 
Xaruntiisi dhexe ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in hawshiisi uu gaabis ku yimid markii 2006 ay xaafadi uu ku yiilay dagaalo ka qarxeen ardeydiina badankeed ay ka soo qaxeen.
 
Ustaad Toxow ayaa sheegay in sanadkii 2008 uu isagu aasasay xarunta Kenya markaas oo uu dareemay baahida ay dadka Soomaliyeed u qabeen iney wali ka faa'ideystaan manhajki iyo nidaamki uu iskuulka dadka wax ugu bari jiray.
Toxow waxa uu sheegay in intii xarunta uu Nairobi ka furay iskuulka uu sii gaarsiiyey horumar dhinacya badan leh isagoo sheegay in lagu soo kordhiyey luqado aan horey loogu dhigi jirin sida Jarmalka iyo Ksawihiliga.
 
Maanta ayuu sheegay iney qalin jabinayaan ardey tiro ahaan gaareysay ilaa 40 oo ka qalin jabinayey maadooyinka Eglishka oo uu isagu dhigayey, Sawaaxiligi iyo Copmuterka.
 
Intii ay socotay munaasabada qalin jabinta ayaa ardeyda Al-Abaadir waxaa ay soo bandhigeen ruwaayado ka tarjumaayey muhimada waxbarashada oo ay aad ula dhaceen dadki ka soo qeybgalayaasha ahaa gaar ahaan marti sharafti lagu casuumay.
 
Xafladi qalin jabinta maanta ayaa waxaa yimid mas'uuliyiin ka socotay dawladda Soomaliya sida C/raxiim Ciise Cadow oo ka mid ah saraakisha wasaarada warfaafinta iyo safiirka Soomaliye ee Kenya Max'ed Cali Ameeriko oo isna khudbad baraarujin ah ka jeediyey qadka telefoonka .
 
C/raxiim Ciise oo khudbad gaaban jeediyey ayaa ku amaanay maamulka Al-Abaadir sida ay xiligaan heeganka ugu yihiin iney ardeydii Soomaliyeed ee dalkooda dhibaatada ugu soo cararay ay wax u baran lahaayeen , waxaana uu ardeyda ku bogaadiyey sida dalalka qurbaha ay wax ugu baranayaan waxaana uu kula dardaarmay in waxbarashadooda mustaqbalka dhaw ay dadkooda uga faa'ideeyaan.
 
Iskuulka Al-Abaadir Kenya oo la furay 2008 waxaa uu hada ka mid yahay iskuulada ugu tayada badan ee ay Soomalida Nairobi wax ka bartaan , waxaana hada dhigata ardey kor u dhaafeysa ilaa 700 oo qeybaha waxbarashada iskuulka xaadirta.
 
Manhajka iskuulka laga dhigo oo ah mid taya sareeya waxaa uu soo jiitay ardeyda waxaana uu ka dhigay sanadkii ugu dambeeyey mideey isu tilmaaman ardeyda.
 
Macalimiinta wax ka dhiga iskuulka oo ah kuwii Muqdisho iyo kuwa cusub waxaa lagu amaanay doorkooda aan gaabiska laheyn , waxaana dadaalkaas si gaar ah loogu amaanay aasaasaha iskuulka Ustaad C/qaadir Toxow oo ka mid ahaa macaliimti ugu cadcadeed xarunti Muqdisho.
 
Macalimiinti maanta iyagana khudbadaha jeediyey waxaa ka mid ahaa
1-Abdulkadir Abdalla Tohow.
1-Ali Mohamed Nur
2-Mohamud Ahmed Abdirahmaan
ugu dambeyn xafladii maanta ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u heer sareeya oo farxadi ay ku dheehantahay

Masawirrada Xafladda halkaan ka daawo

Source: Dalkanews.com, Nairobi Kenya 

1 comment:

  1. Caadi maaha macallin Tooxow

    sheekadu in Afjarmal labarto ayey mareysaa

    Maasha allah! Allaha xummaan iyo il-xun ka dhowro?

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.