What you may have missed

Saturday, February 27, 2010

Su,aalo iyo talo u soo jeedin ku socota Dowladda somaliya iyo Alshabaab/Xisbul Islaam

Waxaan doonayaa inaan fikir wanaagsan ka dhiibto siyaasadaha ka jira dalka
soomaaliya,Xaqiiqdii markaan ogaaday in shacabka somaaliyeed ka rajo dhigeen
dowladnimo lana soo guboonaatay dhibaatooyin farabadan ayaan doonayaa in aan
u soo bandhigo qaabka daraasad loogu sameenkaro fahanka majaraha siyaasada
dalka soomaliya xal u helitaanka wado la iskuugu imaankaro ama la isku raaci karo.



Ujeedo: Codsi Guud


Su,aalo iyo talo u soo jeedin ku socota Dowladda somaliya
iyo Alshabaab/Xisbul Islaam,

Walaalayaal anigu waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo xilligii dowladii burburtay ee
Mohammad siyaad barre waxyar kahor dhashay qibrad fiican iyo waayo aragnimo
u leh xaaladaha dalka soomaaliya haatan kusuganyahay iyo qeybaha kala duwan
ee bulshada soomaaliyeed.

Waxaan doonayaa inaan fikir wanaagsan ka dhiibto siyaasadaha ka jira dalka
soomaaliya,Xaqiiqdii markaan ogaaday in shacabka somaaliyeed ka rajo dhigeen
dowladnimo lana soo guboonaatay dhibaatooyin farabadan ayaan doonayaa in aan
u soo bandhigo qaabka daraasad loogu sameenkaro fahanka majaraha siyaasada
dalka soomaliya xal u helitaanka wado la iskuugu imaankaro ama la isku raaci karo.

Waxaan soo koobayaa waxyaabaha dhabta ah ee ka jira soomaaliya iyo siyaasada
guracan ee shacabku ku wareerey,

labo qodob ayaan u kala qaadayaa

1 Qabashada xilka madaxtinimada ee dalka soomaaliya
2 Nin walba oo maamul sheegta ma shacabkaa doorta mase ayagaa isdoorta sida hada Alshabaab iyo xisbul Islaam?

Marka hore waxaan soo qaadanayaa dowladda hada ka jirta dalka,Ninka doonaya inuu

ka noqdo madax dalka soomaliya ama ka soo noqday iyo waajibaadka ka saaran dalkiisa

iyo dadkiisa sababaha keena in xilka dhaqso uga dego ama dowladiisu u shaqeyn weyso.
Dowladda soomaaliyeedey mawaxaad masuuliyada u qaadeen inaad ku dhex

lugeysaan madaxtooyada, mase waxaad xilka u qaadeen iney ciidamada amisom

mushaar ku qaataan eeroboorka dhexdiisa,mase iney shacabka madaafiic ku garaacaan

oo raali ku noqotaan,mase inaad shacabka dhibaatada ka saartaan?

Walallaalayaal dhamman madaxda xilka heysa ama kuwa doonaya iney qabtaan

mustaqbalka waxaa looga baahan yahay in ay ka baaraan degaan masuuliyada

culus ee dhabarka u ritaan iyo waxa ka imaankara ama ay kala kulmaan marka ay

xilka qabtaan.

waa sida soo socota


1 sababaha madaxweyne kasta oo la soo doorto u shaqeynwaayo!!
2 ma kafikirtaan intaadna kursiga fuuliin madaxdii hore waxa ku dhacay?
3 ma kafikirtaan heesashada taageerada shacabka?
4 ma inkala dhexeeyaa xariirweyn mucaaradka jooga dalka?
5 ma heesataan dhaqaalo ku filan fangareenta ciidamada hubkooda iyo

dib u dhiska dalka?
6 ma tihiin niman shacabka u naxaaya markii dhibaato soo gaarto?


Intaan soo sheegay markaad ku guuldareysataan ma iskuugu yeertaan qeybaha

kala duwan ee bulshada sida aqoon yahanada culumma'uddiinka odayaal

dhaqameedka idinkoo u soo bandhigaaya inaad xilka dalka wareejisaan maadaama

xalinta dalka ku guuldareysataan, Haddi aadna taas kafikirin intaadna xilka qaban

ka hor waxaad la kulmi doontaan jaa'ifo, habaar badan, kalsoonida oo shacabka

la laabto, magacxumo iyo sharaf dhac aad kala kulantaan dadkiina iyo dalkiina.

Taas waxey dhacdaa sida soo socota

1 inaadna aheyn wadaniyiin daacadnimo ugu shaqeysa dadkooda iyo dalkooda,
2 inaad tihiin niman wadamo kale meesha u jooga oo xilka u dhiibtay ,
3 inaad tihiin niman lacag u yimid qabashada xilka oo maal ka sameysanaaya,
4 inaad tiihin niman madax jaceyl meesha geeyey laakiin aan dastuur dowladeed
garaneyn,

Haddii aadna ka baaraan degin qodobada kor ku xusan waxaad ku dhimaneysaan

yaan u dhimanaayey oo aan u shaqeynaayey sida madax badan ku dhacday oo

Afrika ku nool qaarna kuba dhinteen, Waxaa xusid mudan madax weynihii hore

mohammad siyaad barre uguna waqtiga badanaa dalka soomaaliya hadana

wuxuu ahaa nin aad iyo aad wadani u ah laakiin su,aashu waxaa weeye shacabka

soomaaliyeed jaceyl ma u qabeen Allaha u naxariistee markuu dhimanaayey,

waa mid aad iyo aad tusaale ugu filan kuwa maanta xilka isku heysta in ay ka

waantoobaan oo ay tanaasul la yimaadaan haddii kale sharaf daro ayaad ku

dhimaneysaan habaarka shacabka iyo tii Alle oo markasta inku dhaceysa.

Alshabaab iyo Xisbul Islaamoow ma soomaalidaa idin dooratay mase idinkaa

isdoortay masuuliyada dalka ma shacabkaa idiin doortay mase idinkaa isku

doortay dhammaantiin ma soomaalibaa tihiin mase ajaaniib ayaad wadataan

ileen waad ka diideene qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed

heshiiskii dhexdhexaadka ahaa ee dalka lugu samatabixinaayey,Dalka

soomaaliya,wuxuu u baahanyahay afka oo laga wadahadlo ee uma baahna

in qori lagu xaliyo haddii qori xal ku imanaayo labaatan sano ma uusan socdeyn

dagaal lagu dhamaanaayo.

Sirbaan idiin hayaa lala damacsanyahay soomaaliya qaasatan idinka Alshabaab

ahaan waxaa la yiri talo walaalki diide waa turanturoodaa waxaan uga jeedaa

walaalayaal maanta talo ayaa inla gudboon intaan tii Alle idiin imaan ama dhib

tan ka badan aadna dhexgelin,Waxaan ku noolahay Uk waxaan lakulmay nin ka

tirsan barlamaanka ingiriiska waxaan ka doonayaayey inuu naga caawimo

community aan u dhisno soomaalida degan gobalkaas uu mas,uulka ka yahay,

Xildhibaanku wuxuu ii sheegay sir ay la macsanyihiin reer galbeedka soomaaliya

qaasatan idinka Alshabaab ahaan waxaa ka mid ah iney dayuuradaha mareykanka

ku dulhoydaan soomaaliya oo ah sirdoon idin ilaashada.

wuxuu ii sheegay ujeedada ka dambeysa tan iney tahay markii ay dhacdo

dowladda soomaliya in ay dalka qabsadaan sababtoo ah buu yiri taageerada

lasiinaayo dowladda ayaa laga joojinayaa si ay dhaqso u dhacdo dabadeedna

ay fursad u helaan qabsashada wadanka soomaaliya,Marka waxey taas u

noqoneysaa marmarsiiyo la dagaalanka argagixisada oo lagu qabsanaayo dalka

soomaaliya sida hada ka jirta afganistaan, sidoo kale buu yiri marmarsiiyo weyn

ayey u noqoneysaa sabab ayaga awgood ah.

Waxaa shakila ah in ay dhaceyso haddii ay dhacdo dowlada soomaaliya waxaa

shacabka soomaaliyeed iyo dalka soomaaliyeed lagu badbaadinkaraa idinka oo

dowlada soomaaliya heshiis la gala sida ugu dhaqsiiyaha badan haddii aad xil

rabtaana aad la qeybsataan si sharuudla,aan ah, haddii aadna sidaas yeelin

waxaa dhicidoonta dalka oo cadow qaatay iyo idinkoo dhulkiina marti ku noqda

shacabkuna ku dhamaado aamfada socota oo qof u dagaalama dalkiisa lawaayo

maadaama cid loo dagaalamo oo la garabsiiyo oo saxan lagaraneyn.






Waa talooyinkii iyo su,aalihii baaqa nabadeed xanbaarsanaa ee soomaaliyeey

Fiiro gaara ha la sameeyo oo danta shacabka ha loo tanaasulo.

Qore: Xuseen afdhuub xaashi

xuseen230@hotmail.com




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.