What you may have missed

Saturday, February 27, 2010

Geesguud.com - Fiiro Gaar ah - Maxaa Keenay In ay Waaweynka Noqoto?

Waxaan rabaa inaan ka warbixiyo sida aan horey u balan qaaday, web site beryahan dad badani si aan caadi ahayn ugu qulqulayeen. Waa Geesguud.com. Webkan Geesguud.com waa mid da' yar, hase yeeshee aanay ku yareyn waxyaabaha soo jiita aqristaha. Waa kanaa warbixin aan kaga hadlayo sababta ay webkaasi si deg deg ah ugu soo caan baxeyso.


Marka hore, waxyaalaha dadka booqda web site yada Soomalida soo jiita. Sida aan filayo, dadka badankiis waxay web site ku jeclaadaan:

1. Wararka cusub ee tixanaha ah
2. Qisooyin cajiib ah ama naxdin leh
4. Sawirro la socda wararka cusub
4. Inay Ka dhihi karaan wararka fikradooda
5. Meel laga dhageysto Music-ga (xulka ah)
6. Fiidiyowyada Wararka iyo Heesaha ah
7. Qaybta Faalooyinka iyo Fikradaha iwm.
8. Quruxda web site ku leedahay

Markii dhan kastaa aan ka fiirshay waxaa ii cadaatay in web site ka Geesguud.com ay si kaafan u soo bandhigtay dhamaan waxyaalaha kor ku tixin. Wararkeedu waa kuwa soo baxa maalinle, badankoodna wata sawirro. Markastaa oo war ka aqrisato webkaas, waxaa ku horyaala barxad yar oo ka hooseeya warkaas kaasoo aad fariin ama ra'yigaaga ku reebi karto. Waxaa sii raacsan in ra'yigaagu soo dhigmayo bogga koowaad isagoo cinwaankiisa ka muuqanayo 'Aragtida Aqristaha' qaybta ah.

Aqristuhu waxa uu had iyo jeer aad u xiiseeya inuu ogaado fikradda dadku ka qabaan wararka qaarkood siiba kuwa mudan in laga wadahadlo. Sidaa darteed, waxaa i cajabiyay in markii aad ka faaleyso war markaas dhegan, si toos ah cinwaanka faaladaada loosoo daabacayo (bogga hore) kadibna halkaa dadku ka aqrin karaan iyagooba warkaas gudaha u gelin.

Dhanka 'entertaintment-iga' Geesguud.com waa mid aag ugu dadaaleysa inay ku heyso aqristaha webside-ka dhexdiisa oo aaney ka tegin. Mar aan riixay xisaabiyaha dadka webka soo booqday ilaa iyo markii la furay web kaas, waxaan soo aarkay inay ugu yaraan 7 daqiiqo qofkiiba dhex fadhiyo web site-ka. Todobo daqiiqo average, waa heer sare. Maxaa yeelay dadka badankood web site kuma nagaadaan in ka badan 10 to 30 seconds. Maxaa keenay marka in visit averagekeedu noqdo dhowr daqiiqo meesha web site yada badankood aaneyba gaarin hal daqiiqo.

Waxaa aniga qabaa in qofku web site ka Geesguud.com dhex joogo iyagoo dhageysanaya heesaha badan ee ay soo geliyeen sida raaxada lehna u tixeen kuwaasoo iyagoo isku xigxiga iska socdaan. Macnaha waa qofka isagoo heesaha u daaran yihiin si toosna u socdaan mid markey dhamaato midda ku xigta iska bilaabaneysa (playlist) ayaa qofkaasi web kale (another browser) daaqad kale ku furan karaa oo meelihiisaas kale waxii kale ee u baahdo ka sameen karaa isagoo weli u socdaan heesaha.

Sidoo kale, vidowyo badan ayaa ku tixan dhinaga midig kuwaasoo u badan kuwo aad u xiiso badan.

Qaabka web siteku u taal ayaa ah mid i cajabiyay. Webka Geesguud.com ayaa si qurux badan ugu raran warar, heeso, videos, maqaalo, aragtida aqristaha, liiska webside-yada kale ee wararka iyo waxyaabo kale. Sidaa darteed qofkii soo galaa cabaar ayuu iska fiir fiirsan karaa.

Waxaan ku dhihi lahaa dhalinyarta sida howsha wanaagsan u wada, haku dadaalaan inay sii kordhiyaan howshaas. Waxaan kaloo u dirayaa hambalyo tafatirayaasha Geesguud.com. Waana ku mahadsanyihiin graphigga Somchat.com ee bogga kowaad (dhanka hoose) ee Geesguud.com ay soo geliyeen.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.