What you may have missed

Friday, September 4, 2009

Gabar Qaxootinimo Ku Bedelatay Ardaynimo - Beating the Ods

Faadumo oo hooyadeed sida ay tiri iskuul loogu diray inay iyada waxbarato dadkeedana anfacdo ayaa ah gabar ku kortay waxna lagu baray xeryaha qaxootiga ee Dadaab Kenya. Inkastoo 15 jirka ay u nooleyd sidii qaxooti aheedna mid ka mid ah in ka badan 300,000 oo Soomaali ku xareysan xeryahaas, ayaa waxay ku guuleysatay scholarship ay ka heshay dugsi sare ee gabdhaha ah kaasoo ka mid ah kuwa qaaliga ah ee ku yaala magaalada Nairobi. Gabadha Faadumo ayaa hooyadeed usoo dirtay Nairobi iyadoo hadda dhigata iskoolkaas halkaasoo hooy laga siiyay lagana bixiyo cunto iyo waxyaabaha kale ay u baahantahay.

Faadumo marka ay dhameyso High Schoolka (dugsiga Sare) ayay jeceshahay inay u gudubto Jaamacad iyadoo rabto inay barato Medicine. Waxay tiri waxaan rabaa inaan noqdo dhaqtarad. Bal hadaba Daawo Faaduma oo arinkaas ka sheekeyneysa.





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.